Xog dheeri ah iyo sawirro: Raadaarka ay Imaaraadka ku rakibeen Boosaaso

Boosaaso (Caasimada Online) – Imaaraadka Carabta ayaa horaantii sanadkan waxa ay Puntland, Soomaaliya, geeyeen radar militari si ay garoonka diyaaradaha ee Boosaaso uga difaacdaan weeraro suurtagal ah oo ka yimaada Xuutiyiinta Yemen, sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen warbaahinta Middle East Eye.

Sawirro dayax-gacmeed oo la qaaday horraantii bishii Maarso ayaa daaha ka rogay in radar-ka noociisu yahay ELM-2084 ee Israel samaysay, kaasoo ah radar casri ah oo leh 3D lagu xiray agagaarka garoonka diyaaradaha.

Xogta duulimaadyada hawada ee guud ahaan la heli karo ayaa muujinaysa in dowladda Imaaraadka Carabtu ay si joogto ah oo isa soo taraysa u adeegsanayso garoonka Boosaaso, si ay saanad ugu gaarsiiso ciidamada taageerada degdegga ah (Rapid Support Forces – RSF) ee Suudaan.

Ciidamada RSF ayaa muddo labo sano ah dagaal kula jiray militariga dalka Suudaan.

Horraantii sanadkan, dawladda Suudaan ayaa dacwad ka dhan ah Imaaraadka Carabta u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ), kuna eedaysay inay ku lug leedahay xasuuq, sababtuna ay tahay xiriirka kala dhexeeya RSF. Imaaraadka Carabtu way beenisay inay taageero militari siiso RSF.

“Imaaraadka Carabtu waxay rakibtay radar-ka wax yar ka dib markii RSF ay gacanteeda ka baxday inta badan Khartoum horraantii Maarso,” sida uu il-wareed gobolka ka tirsan u sheegay Middle East Eye.

“Ujeeddada radar-ku waa in la ogaado loogana digo khataraha ka iman kara diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ama gantaalaha, gaar ahaan kuwa ay suuragalka tahay inay Xuutiyiintu ka soo tuuraan meel Boosaaso ka baxsan.”

Ilo kale oo gobolka ah ayaa sheegay in radar-ka la geeyay garoonka diyaaradaha dabayaaqadii sanadkii hore. Middle East Eye ma aysan awoodin inay si madax bannaan u xaqiijiso sheegashadan dambe.

Isha labaad waxay intaa ku dartay in Imaaraadka Carabtu ay maalin kasta isticmaalaysay garoonka Boosaaso si ay u taageerto RSF, iyadoo diyaarado waaweyn oo xamuul ah ay si joogto ah u yimaadaan si ay ugu rartaan hub iyo rasaas – mararka qaarkood ilaa shan shixnadood oo waaweyn markiiba.

Middle East Eye waxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta waydiisatay inay ka jawaabto arrintan.

Markii eedeymahan wax laga waydiiyay, Cabdifataax Cabdinuur, Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada Puntland, wuu ka gaabsaday inuu ka hadlo arrintan, wuxuuna taa beddelkeeda soo diray farriimo majaajillo ah (memes) oo lagu durayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Xiriir qotodheer

Laba ilo wareed oo Soomaali ah oo kala gaar ah ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uusan fasax uga qaadan dawladda federaalka Soomaaliya iyo baarlamaanka Puntland midna heshiiskan. Puntland waa maamul goboleed si iskiis ah u madax bannaan, waxaana guud ahaan loo arkaa dhul ismaamul oo Soomaaliya ka mid ah.

“Kani waa heshiis sir ah, xitaa madaxda ugu sarreysa dawladda Puntland, oo ay ku jirto golaha wasiirradu, kama warqabaan,” ayuu yiri mid ka mid ah ilaha Soomaalida oo arrintan si toos ah ula socda.

“Aamusnaanta dawladda dhexe ee Soomaaliya ee ku aaddan arrintan waa mid aan la garan karin.”

Isha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday warbixinno sheegaya in askar u dhalatay Colombia la keenay garoonka Boosaaso si loogu sii daadgureeyo Suudaan, inkastoo aan la caddayn cidda siisay fiisooyinka, maadaama Muqdisho aysan ku lug lahayn qabanqaabadaas.

Imaaraadka Carabta ayaa xiriir qotodheer la leh dawladda Soomaaliya, iyagoo sannado badan siinayay kaalmo dhaqaale isla markaana tababarayay ciidamada Soomaaliya si ay ula dagaallamaan kooxaha hubaysan sida al-Shabaab.

Tan iyo 2009, Imaaraadka Carabtu waxay sidoo kale si gaar ah uga hawlgalaysay Puntland, oo juquraafi ahaan u dhow Imaaraadka iyo Yemen. Imaaraadku waxay Puntland ku tababareen ciidamo la dagaallama burcad-badeedda.

Madaxweyne Deni waxaa si weyn loogu arkaa inuu aad ugu dhow yahay Imaaraadka Carabta, taasoo inta badan salka ku haysa kaalmo dhaqaale oo suuragal ah inay xoojiso hamigiisa siyaasadeed.

Mid ka mid ah ilaha Soomaalida ayaa tilmaamay in u janjeersiga Deni ee dhanka Imaaraadka ay qayb ahaan sabab u tahay rabitaankiisa ah inuu helo taageero uu kaga qaybgalo doorashooyinka madaxtinimada Soomaaliya.

“Waxaa jira doorasho madaxtinimo sannadka 2026, wuxuuna u baahan doonaa taageero kasta oo uu heli karo si uu ugu guulaysto doorashada heer qaran,” ayay tiri isha, oo codsatay inaan magaceeda la sheegin si ay uga badbaado cawaaqib ka dhalan kara.

Salim Siciid Salim, oo ah khabiir arrimaha gobolka ah isla markaana ah agaasimaha fulinta ee Machadka Sidra oo fadhigiisu yahay Puntland, ayaa xusay in inkastoo ay jiraan warbixinno lagu faafiyay baraha bulshada iyo sawirro dayax-gacmeed, haddana Deni iyo maamulkiisuba aysan weli ka hadlin jiritaanka radar-ka.

“Aamusnaantani waxay muujinaysaa in sheegashooyinku ay run yihiin,” ayuu yiri Salim, isagoo intaa ku daray inuusan la yaabin warkan marka la eego xiriirka fog ee Deni la leeyahay Imaaraadka Carabta.

Salim wuxuu sheegay in Muqdisho ay u badan tahay inay doorbiday in aysan iska horkeenin Imaaraadka Carabta, oo ay taas beddelkeeda dooratay inay ka aamusto hawlgallada militari ee Imaaraadka ee Puntland.

“Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu ku tiirsan yahay taageerada Imaaraadka si uu ula dagaallamo al-Shabaab una sii wado dadaallada nabadda ee dalka,” ayuu yiri Salim. “Waxay macquul tahay in arrimahan lagu dhammeeyo si aan dadweynaha loo soo bandhigin.”

Dawladda Madaxweyne Xasan ayaa cadaadis xooggan la kulmaysay waayadan dambe, maadaama al-Shabaab ay dhul ballaaran ka qabsadeen agagaarka Muqdisho. Waxaa intaa dheer, waxaa sii kordhaya mucaaradka ka dhanka ah hoggaankiisa, sababo la xiriira qaabka qabiilka ku dhisan ee nidaamka maamul ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan ayaa soo jeediyay in laga gudbo nidaamka doorashada ee ku salaysan qabiilka loona wareego mid ku dhisan codbixin guud oo qof iyo cod ah. Hase yeeshee, soo jeedintan ayaa waxaa ka horyimid siyaasiyiin caan ah qaarkood, taasoo ka dhigtay arrin dood badan dhalisay.

Imaaraadka Carabtu waxay sidoo kale si firfircoon uga hawlgashaa Somaliland, oo ah dhul sheegta in uu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale, waxayna halkaas ka samaysay maalgelinno waaweyn, taasoo ka caraysiisay Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa dhammaadkii asbuucii hore sheegay in dawladdiisu ay warqad u dirtay Imaaraadka Carabta, kuna boorrisay inay joojiso siinta Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, hab-maamuuska madaxweynenimo sidii inuu yahay madaxweyne qaran.