Xog: Dowladda Soomaaliya oo heshay diyaarado dagaal oo cusub + Dalka siiyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa haatan heshay diyaarado cusub oo ah kuwa qumaatiga u kaca, waxaana siiyay Talyaaniga, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Diyaaradahan oo tiradooda lagu sheegay illaa 4 ayaa horraantii todobaadkan waxaa si rasmi ah ula wareegtay dowladda federaalka, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Afarta diyaaradood oo ah Helicopter-ka ayaa noocoodu waxa uu yahay Bell 412EPX, kuwaas oo ay isticmaali doonaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in diyaaradahan uu qiimahooda ku kacayo illaa 16 milyan oo dollar, ayada oo sawirradooda si weyn loogu baahiyay baraha bulshada.

Diyaaradahan Helicopters-ka ah ayaa la filayaa in ay door muhiim ah ka qaataan dagaalka adag ee haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab, kaas oo galaya wajigiisa labaad.

Arrintan ayaa waxay noqoneysaa tallaabadii ugu horreysay ee ay qaaday dowladda dhexe, kadib cunaqabateyntii hubka ee dhowaan uun laga qaaday Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa horay u sheegay in la haysto fursad dahabi ah oo ay Soomaaliya kusoo iibsan karto hub waa wayn iyo diyaarado ay kula gaasho Al-Shabaab.

“Marka la qaado cunaqabateynta hubka, dowladda Soomaaliya waxay hadda haysataa madax-bannaani ay ku iibsan karto qalab kasta oo ciidan oo ay u aragto inay lagama maarmaan tahay, iyadoo aan loo baahnayn ogeysiis ama oggolaansho oo dhinacyo dibadda ah,” ayay horay u tiri dowladda federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, waxaa diyaaradahan ka horreeyay kuwa kale oo ay horay usoo bandhigtay dowladda dhexe, kuwaas oo ka qayb-qaatay dabaal-daggii maalmaha xoriyadda ee 26-ka June iyo kowda Luulyo ee dhowaan ka dhacay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.