Farmaajo oo qaatay go’aan uu kaga tegayo saaxiibadiis iyo goorta uu la wadaagay

Istanbul (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ayaa galabta shaaciyey inay iskaashigii siyaasadda ku kala tageen Farmaajo, isagoo aan bixin faahfaahin intaas dheer, waxaana soo baxaya xogo ku saabsan waxyaabihii sababay kala tagga kooxdii Farmaajo ee Nabad iyo Nolol.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulan uu dalbaday Farmaajo ayaa Arbacadii toddobaadkii hore ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, halkaas oo Farmaajo uu ku soo bandhigay go’aankiisa ololaha doorashada dambe.

Farmaajo ayaa saaxiibadiis Fahad Yaasiin, Kulane Jiis iyo Cabdishakuur Cali Mire u cadeeyey in ololihiisa dambe ee doorashada aysan qeyb ka noqon doonin, wax garab ahna uusan uga baahneyn.

Sida ay sheegeyso xogtaan xubnahaasi waxay la yaabeen go’aanka uu ka qaatay hoggaamiyahoodii, dood dheer kadibna Farmaajo wuxuu ku adkeystay go’aankiisa, halka ayaguna ay u sheegeen in arrintaas ay kasoo tashanayaan.

Intaas waxaa xigtay warqadii uu galabta soo saaray Fahad Yaasiin oo sheegay in Farmaajo ay ku kala tageen wadajirkii siyaasadda, isla markaana uu u rajeynayo mustaqbal wanaagsan, isagoo aan faahfaahin ka bixin sababtii loo kala tegay.

Fahad ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku yiri “Laga bilaabo maanta, oo ay taariikhdu ku beegan tahay Ida Sebteembar 2024, waxaa soo idlaaday wadajirkii iyo wada socodkii siyaasadeed ee aan la lahaa Madaxweyne hore Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxaana cid walba u caddaynayaa in aanan qayb ka ahayn ololihiisa siyaasadeed ama doorasho.”

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

Waxaan muddo ka badan 10 sano saaxiibo siyaasadeed ahayn Madaxweynihii 9aad ee dalka Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo, sidoo kalena muddo ka badan 5 sano maamulkii uu hoggaaminayay kasoo qabtay xilal kala duwan oo ii sahlay inaan dalkayga iyo dadkayga si hufan oo daacadnimo ah ugu soo adeego.

Anigoo dhawraya waayahaas wanaagsanaa ee aan isla soo marnay, misana ilaalinaya dhaqanka suubban, kana fogaanaya inaan faahfaahin ka bixiyo sababaha, waxaan ummadda Soomaaliyeed la wadaagayaa go’aannadan soo socda;

1. Laga bilaabo maanta, oo ay taariikhdu ku beegan tahay Ida Sebteembar 2024, waxaa soo idlaaday wadajirkii iyo wada socodkii siyaasadeed ee aan la lahaa Madaxweyne hore Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxaana cid walba u caddaynayaa in aanan qayb ka ahayn ololihiisa siyaasadeed ama doorasho.

2. Waxaan la yeelan doonaa dhammaan saaxiibada aan talo wadaagga nahay wada tashi iyo kulamo looga arrinsanyo ambaqaadka cusub, waana idin la soo wadaagi doonaa xilliga ku haboonaato.

3. Waxaan si mug iyo maqaam buuxa leh uga mahadnaqayaa Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo masuuliyadihii uu ii igmaday iyo kalsoonidii uu isiiyay intii uu ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda, waxaana u rajaynayaa mustaqbal wanaagsan.

4. Waxaan raalli galin buuxda siinayaa cid walba oo dhibsata go’aankan ama lama filaan ay ku noqoto, waxaanse ugu qalbi qaboojinayaa in tallaabadan ay tahay mid danta guud ee qaranka u adeegaysa, kana fog danaysi shakhsi ah.