Xog: Garab istaagga Masar ee Soomaaliya oo walwal ku abuuray Itoobiya

Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa gaartay go’aan ay uga qeyb qaadaneyso dhismaha iyo hubaynta ciidamada xoogga Soomaaliya, waana go’aan walwal ku abuuray Itoobiya.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in arrimaha Masar iyo Soomaaliya ay Itoobiya ku abuureen cabsi joogto ah oo ku timid kadib heshiiskii difaaca ee August.

Masar ayaa wixii ka dambeeyey markii ay heshiiskaas la gashay Soomaaliya waxay toos u bilowday qorshayaal ay ka hortageyso saamaynta Itoobiya ee Geeska Afrika, iyadoo adeegsanaysa joogitaan ciidan oo khatar ku ah amniga Itoobiya.

Xiisadaan ayaa qaraxday markii Itoobiya ay heshiis qar iska tuurnino ah la gashay Somaliland, bishii January 2024, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa abaabuleysa xiisad diblomaasiyadeed iyo mid ciidan oo ka dhan ah Itoobiya.

Dhanka Itoobiya walaac badan ayaa jira, wuxuuna Raii’sul Wasaare Abiy Axmed maanta bedelay wasiirkiisii arrimaha dibadda, isagoo soo magacaabay Dr. Gideon Timothy, kadib isku shaandheyn uu ku sameeyay golaha wasiirrada Itoobiya.

Kahor inta aan loo magacaabin Wasiirka Arrimaha Dibadda, Gideon Timothy waxa uu ahaa Wasiirka Cadaaladda ee dalka Itoobiya, waxayna magacabisiisaan ku soo beegmaysa xilli Itoobiya ay xiisad kala dhaxeeyso qaar ka mid ah dalalka dariska la ah oo Soomaaliya ay ugu horeyso.

Xiisadaha diblomaasiyadeed ee Itoobiya ay dhex maquuraneyso waxaa ugu wayn midda kala dhaxeeysa Soomaaliya ee ku saabsan heshiiska sharci darrada ah ee badda gobollada Waqooyi ee Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa ah mid muhiim u ah diblamaasiyadda iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee dowladda, iyadoo haatan ay Itoobiya khilaaf diblomaasiyadeed uu soo kala dhex galay dalalka deriskeeda ah, khatarna ay ugu jirto inay dagaal la gasho dalal ay ugu horeeyaan Soomaaliya, Masar iyo Eritrea.