Xog: Heshiis hordhac ah oo laga gaaray khilaafka DF iyo K/Galbeed – Maxaa lagu heshiiyay?

Baydhabo (Caasimada Online) – Xogo dheeraad ah ayaa laga helaya kulamo albaabada u xiran yihiin oo labadii cisho ee u dambeeyay magaalada Baydhabo uga socday madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen iyo taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliya General Mahad Cabdiraxmaan (Shub).

Sida ay Caasimada Online u sheegeen illo wareedyo ku sugan Baydhabo, kulamadan ayaa heshiis hordhac ah looga gaaray khilaafka dowladda dhexe iyo maamulka Koonfur Galbeed, kaasi oo maalmihii dambe cirka isku shareeray.

Taliya Shub iyo Lafta-gareen oo laba maalmood oo xiriirka ah wada-hadallo kulahaa Baydhabo ayaa isku afgartay dhowr qodob oo hordhac u noqonaya heshiis lagu soo afjarayo xiisadda madaxweyne Xasan iyo Lafta-gareen.

Sida ay inoo xaqiijiyeen illo wareedyada nala hadlay waxaa lagu heshiiyay in madaxweynaha Koonfur Galbeed uu tago magaalada Muqdisho, uuna ka qeyb-galo shirka madasha ee la filayo inuu caasimada ka dhaco daba-yaaqada bishaan.

Sidoo kale waxaa kulamadii u dambeeyay ee xal u helista khilaafka lagu gaaray in xiisadda iyo hadallada xanafta leh la dejiyo, islamarkaana wixii dhiman Muqdisho lagu dhameeyo, oo ay halkaas isku hor fariistaan madaxweyne Xasan iyo Cabdicasiis Lafta-gareen.

Waxaa sidoo kale qeyb ka ah heshiiskan hordhaca ah sida ay xogta sheegayso in duullimaadyada iyo isu socodka Koonfur Galbeed gudaheeda iyo Muqdisho sidoodii caadiga ahaa ay ahaadaan oo aan marnaba la carqaladayn.

Jeneraal Mahad oo ay aad isugu dhow yihiin madaxweyne Lafta-gareen ayaa intii uusan Baydhabo tegin magaalada Muqdisho wada-hadal kula soo yeeshay madaxweyne Xasan Sheekh oo asagu u diray Baydhabo.

Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadda ka cararaya inuu ku furmo albaabka doorasho dadban ayaa dadaal badan ku bixinaya sidii uu Lafta-gareen u imaan lahaa Muqdisho, si xiisadda taagan uga gaaro xal dhabaha u xaari kata inuu meel marsado shuruucda qabyada ka ah ee doorashada qof iyo cod ah.