Abu Dubai (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa la sheegay inuu safar qarsoodi ah ku tegay magaalada Abu Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxaana safarkiisa ka soo baxaya xogo xasaasi ah.
Laftagareen oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Muqdisho, kulamo xasaasi ahna la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxda kale ee dowlad goboleedyada ayaa saaxiibadiis u sheegay inuu u safarayo Nairobi Kenya, balse wuxuu uga sii gudbay Imaaraadka.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Abu Dubai kula kulmaya madaxda ugu sareysa Imaaraadka, isagoo hala hadli doona arrimo xasaasi ah oo ay ugu yeereen, kuwaas oo lagu faragelinayo qorshayaasha dowladda federaalka Soomaaliya.
Imaaraadka ayaa diidan tallaabooyin ay qaaday dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan heshiisyo ay la gashay Turkiga, Masar iyo dagaalka Al-Shabaab oo Xasan Sheekh uu muhiimad gaar ah siinayo.
Sidoo kale, Imaaraadka ayaa saldhig u ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee mucaaradka ku ah dhaqdhaqaaqa dowladda federaalka, waxaana marar badan Xasan Sheekh lagula taliyey in dalka uu ka ceyriyo diblomaasiyiinta Imaaraadka oo lagu eedeeyey inay diidan yihiin inay ixtiraamaan qaranimada Soomaaliya.
Siyaasiyiin xog ogaal ah oo u waramay Caasimada Online, ayaa sheegay in Imaaraadka oo u yeeray Laftagareen ay kala hadlayaan labo qodob oo kala ah:
1 – In Laftagareen uusan ka qeyb noqon xisbiga cusub ee Xasan Sheekh uu dhisayo ee lagu soo darayo madaxda dowlad goboleedyada qaar.
2 – Iyo inuu ka hor yimaado doorashada qof iyo codka ah ee dowladda federaalka ay gadaal ka riixeyso, isla markaana uu qabsado doorasho lamid ah midii Axmed Madoobe oo ku gacan seyray dowladda federaalka.
Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen wuxuu saaxiib la yahay Itoobiya, waxaana la sheegay in Imaaraadku ay u soo dhexmareen Itoobiya, waxaana la abuurayaa khilaaf cusub oo dowladda federaalka ka soo wajihi doona dhanka Koonfur Galbeed.
Siyaasiyiinta aan ka wareysanay arrintaan waxay aaminsan yihiin in Koonfur Galbeed ay noqon doonto dowlad goboleedka ugu soo horeeya ee dowladda federaalka ay is qaba doonaan, kuna biiri doona dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo mar hore dhabarka xijiyey hoggaaminta Xasan Sheekh.
Si rasmi ah looma oga go’aanka uu qaadan doono Laftagareen iyo waxa uu kala soo laaba doono Imaaraadka Carabta.