Xog: Itoobiya oo kumanaan askari soo gelisay Soomaaliya

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Itoobiya ayaa kumanaan askari oo dheeraad ah soo gelisay Soomaaliya, ayada oo aysan ka war hayn dowladda federaalka Soomaaliya, sida uu qoray wargeyska The National ee Imaaraadka Carabta.

Wargeyska ayaa ilo-wareedyo ka soo xigtay in Itoobiya ay Soomaaliya soo gelisay 7,000 oo askari oo dheeraad ah maalmo kadib markii ay Masar billowday inay hub iyo ciidan u dirto Soomaaliya.  Itoobiya ayaa la qiyaasaa inay hadda Soomaaliya ka joogaan ilaa 22,000 oo askari.

Ciidamada Itoobiyaanka waxay qeyb dalka ku joogaan heshiisyo laba geesood ah oo kala dhaxeeya dowladda federaalka, halka qayb kale ay ku joogaan in ay ka mid ka yihiin ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS.

Hase yeeshee, cidna si dhab ah uma shaacin karto tiradooda rasmiga ah, sidoo kalena ma jirto cid la socota ama xadidda dhaq-dhaqaaqyadooda, ayada oo markii ay rabaan dalka soo gala, kana baxa.

Itoobiya ayaa la sheegay in ay si aad ah uga carootay iskaashiga militari ee dowladda federaalka ay la yeelatay Masar, oo ay si aad ah isku hayaan.

Madaxweynaha Itoobiya Taye Atske Selassie, oo markii ay Masar saanadda militari u soo dirtay dowladda federaalka, ahaa wasiirka arrimaha dibadda, ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay in hubka “xoogagga dibadda ay uga sii dari doonto ammaanka jilicsan [Soomaaliya] oo uu ku danbeyn doono gacanta argagixisada”, isaga oo ula jeeday Al-Shabab.

Dowladda Federaalka ayaa dalbatay in ciidamada Itoobiya ay dalka ka baxaan marka uu dhammaado howlgalka ATMIS bisha December, haddii aanay Addis-Ababa ka laaban heshiiska ay la gashay Somaliland.

Masar ayaa ku dhawaaqday inay doonayso inay badasho ciidamada nabad ilaalinta ee Itoobiya marka ay baxaan, iyadoo Soomaaliya ay si cad u taageertay.

Masar iyo Itoobiya ayaa in ka badan 10 sano waxaa ka dhaxeeyey xiisad ka dhalatay biyo-xireenka Addis-Ababa ay ka sameysay webiga Nile oo ay halis u aragto Qaahira, oo 97% biyaheeda ugu tiirsan Nile.