Xog ka cusub diyaaraddii Itoobiya ee ku dhinteen dad Soomaali ku jirto

Addis Ababa (Caasimada Online) – Waxaa soo baxeysa in la qariyay xogta diyaaraddii Ethiopian Airlines ee bur buri jirtay, taas oo nooceedu ahaa 737 MAX.

Sida uu shaaciyay maamule hore oo ka tirsanaa shirkadda diyaadaha ee Boeing waxay shirkaddu qarisay xogta cilad ay laheyd diyaaraddaasi, isaggoo tilmaamay inay laheyd diyaaraddu cilad dhanka dabka ah.

Ninkaan oo horay u maamuli jiray xafiiska shirkadda ee Washington ayaa haatan hogaamiya koox la yiraahdo hay’adda badbaadada duulimaadka, wuxuuna sheegay in shirkadda ay ogeyd cilad diyaaradaasi.

Diyaaraddan oo lix sano kahor burburi jirtay oo ay ku dhinteen 157 qof ee ay Soomaalidu ku jirtay ayaa waxay laheyd cilad dhinaca dabka ama korontada ah, sida uu shaaciyay maamulahan hore, oo sheegay in shirkaddu ay qarisay arrintaasi.

Sidoo kale waxa uu intaas ku daray in diyaaradu ay konotoroolka lumin kartay mar walba oo ay ku duulayso joog hoose, sidoo kalena cillado badan ay lahayd.

Hay’adda uu ninkaan hogaaminayo ayaa waxay sheegtay in inka badan 1,000 diyaaradood oo ay nuuca Boeing ah oo haatan hawada ku jira ama la adeegsado ay halis ugu jiraan in ay wajahaan cillad dhinaca dabka ah oo ay sabab u tahay qaabka ay shirkaddu markii horeba u sameysay diyaaradda.

Waxa uu sheegay in diyaaraddu markii ay lix daqiiqo uun ka sii maqan tahay garooonka Bole ee Addis Ababa in cilladu ku bilaabatay. Diyaaradda ayaa ah kuwii ugu dambeeyay nuuca 737 Max ee xilligaas Boeing sameysay.

Sidoo kale isla nuuca 737 Max ayaa kol hore waxay ku burburtay dalka Indonesia iyada oo ay ku dhinteen ilaa 189 qof.

Waxaa la sheegay in nidaamka kontoroolka duulimaadka ee Boeing ee loo yaqaano MCAS ay cillad badan ku timaado, taas oo sababta in diyaaraddu ay dhulka ku dhacdo iyada oo wali la isku dayayo in la kontoroolo.