Xog: Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay ganacsatada iyo wasiirka maaliyadda

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa shalay ka dhacay kulan dhex maray guddi xul ah oo ka socday ganacsatada magaalada Muqdisho iyo sidoo kale wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Kulankaas waxaa looga hadlay cabashooyin ay mudooyinkan qabeen suuqleyda oo ay ugu danbeysay canshuurta iibka 5% ee dhawaan la so kordhiyay.

Guddiga ganacsatada ayaa waxaa qaabilay wasiirka maaliyadda XFS iyo sidoo kale masuuliyiin dhanka canshuuraha wasaaradda ah, iyadoo ganacsatadu gudbiyeen cabaqadaha badan ee heysta.

Ilo wareedyo ka tirsan ganacsatada ayaa Caasimada Online u sheegay in shirkaas lagu kala tegay gabal dhicii shalay, isagoo ku soo dhamaaday natiijo la’aan.

Ganacsatada ayaa xaqiiqsatay in dowladdu aysan diyaar u aheyn in tabashadooda la xaliyo, waxayna shaki geliyeen inay dhici karaan kulamo dambe oo dhinacyadu isugu yimaadaan, markii la eego natiijada shirkii shalay lagu kala tegay.

Xogaha ayaa tilmaamaya in wasiirka maaliyadda uu ganacsatada ka diiday codsi ku aadanaa in dib loo dhigo waqtiga loo qorsheeyay bilaabidda canshuurta iibka ee laga jarayo iibkasta oo la sameeyo ilaa inta natiijo laga gaarayo wadahadallada.

Ganacsatada ayaa lagu waramayaa in wasiirka maaliyadda ay sidoo kale u gudbiyeen caqabado ka heysta lacago lagu qaado dekadda Muqdisho oo ku dhaca akoonada shaqsiyaad gaar ah, kuwaas oo dhawaan la soo kordhiyay.

Shaqsiyaadkaas ayaa la sheegay in loo xiray adeegyo aan horay u jirin oo alaabaha la soo dejiyo la xiriira, laguna dallacayo lacag horleh oo qiimo koror bulshada ku laabta sameynaya.

Xaaladda ganacsiga Muqdisho waxaa hadda ku furan guux xoog leh, waxayna ganacsatadu u sheegeen wasiirka maaliyadda in loo baahan yahay muddo bulshada lagu fahamsiiyo qaabka bixintana loogu qorsheyo canshuurta iibka.

Ganacsatada la hadashay Caasimada Online ayaa sheegay in codsigooda aysan dheg-jalaq u siin wasiirka iyo kooxdiisa aruurinta maaliyadda u qaabilsan dowladda, isla markaana ay ku rajo xunyihiin inay talo ku yeeshaan qaabka wax u socdaan, maadaama dadka lagu soo rogayo canshuur cusub.