Xog: Kooxda Deni oo arrimo siyaasadeed u isticmaalay lacagtii dhismaha garoonka…

Boosaaso (Caasimada Online) – Mashruuca dhismaha garoonka kubadda cagta ee Boosaaso ayaa qarka u saaran fashil kadib markii kooxda madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ay lacagtii loogu tala-galay u isticmaashay arrimo siyaasadeed.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dhaqaalaha ku baxaya dhismaha garoonka kubadda cagta ee Boosaaso ayaa waxaa horey ugu deeqay dowladda Imaaraadka Carabta, waxaana akoonka lagala baxay bishii Luulyo ee sanadkaan 2023.

Markaas ayaa waxaa lacagtan la geeyay magaalada Garoowe, kadibna waxay kooxda madaxweyne Saciid Deni u isticmaashay qorshihii wax ka beddelka Dastuurka Puntland, ayada oo loo qeybiyay Xildhibaanada Baarlamaanka maamulkaasi.

Sidoo kale waxaa soo baxeysa in qeyb kamid ah lacagtan wax laga siiyay mid kamid ah guddoomiyeyaasha ururrada siyaasadda Puntland ee sida gaarka ah xulufada la ah madaxweyne Saciid Deni.

Dhismaha garoonka kubadda cagta ee Boosaaso ayaa markii hore billowday kadib markii Imaaraadka ay ku deeqday lacagta ku baxaysa dhismaha, markaasi oo aheyd bilowgii sanadkan 2023-ka.

Madaxweynaha Puntland ayaa xilligaas waxa uu dhismaha garoonka uu si gaar ah ugu wakiishey agaasimaha ciidanka PMPF Cabdiraabi Cabdisamad Aw-Maxamed.

Xogaha ayaa intaas kusii daraya in ka gadaal markii lala baxay lacagtii loogu tala-galay dhismaha garoonka uu agaasime Cabdiraabi uu hadda qandaraas ku siiyay shirkad cusub in ay sii wado dhismaha aan loo hayn wax dhaqaale ah.

Dhalinyarada Boosaaso oo muddo badan la ildarneyd in ay hesho garoon kubadda cagta ah, si lamid ah magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo, ayay arrintaan god kusii rideysa rejadii yarta aheyd ee u bidhaantay.

Sidoo kalena waxay arrintaan sida muuqata ay kooxda madaxweyne Saciid Deni ku noqoneysa taariikh madow oo u gasha diiwaanka.

Si kastaba, Madaxweyne Deni iyo kooxdiisa ayaa sida la rumeysan yahay dano shaqsi ah iyo damaca muddo kororsi inta badan u isticmaala dhaqaalihii dowladda, taasi oo ah nasiib darro weyn oo maamulka ku habsatay, maadaama dhaqaalaha arrimaha bulshada loogu tala-galay loo isticmaalayo arrimo siyaasadeed oo lagu bixinayo laaluush.