Xog: Kulan dhex-maray Xasan, Xamza iyo Axmed Madoobe oo lagu kala kacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Macluuimaad dheeraad ah ayaa laga helayaa kulan gaar ah oo xalay dhex-maray madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre iyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, kaas oo xalay ka qabsoomay xarunta Villa Soomaaliya.

Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa mid lagu qancinayay Axmed Madoobe oo diiday go’aan la xiriira doorashada oo ay isku raaceen madaxda kale ee ka qaybgaleyso shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo weli ka socdo magaalada Muqdisho.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo xaqiijiyay in hoggaamiyeyaasha maamullada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabeelle ay madaxda dowladda dhexe ku raaceen in dalka loo jiheeyo doorasho qof iyo cod ah, waxaase qodobkaas ka horyimid madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu ku dhagan yahay inuu qabsado doorashada u gaar ah oo loo marayo habka xildhibaannada baarlamaan goboleedka oo uu horay ugu soo caano maalay.

Intaas kadib ayaa waxaa xalay kulan gaar ah isugu yimid  madaxweyne Xasan Sheekh, ra’iisul wasaare Xamza iyo Axmed Madoobe, si loo qanciyo balse waxaa la xaqiijiyey inuu markale ku adkeystay in deegaanada Jubbaland uu ka qabanayo doorashadii dadbaneyd.

Ma cadda illaa iyo hadda waxa sababay in nadaxweynaha Jubbalane uu qaato go’aanka uu kaliguus ku yahay iyada oo dhammaan madaxdii kale ay isku aragti ka noqdeen dooda  doorashada ee miiska saaran.

Inkastoo aanu si toos ah u fashilmin shirkii guud ee NCC, haddana waxaa muuqata in dowladda Federaalka ay dadaal badan ku bixineyso in la qanciyo Axmed Madoobe