Xog: Laba arrin oo sabab u ah kala furashada madaxweyne FARMAAJO iyo FAHAD

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa shalay shaaciyay inay kala furteen madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ay ahaayeen saaxiib dhow oo siyaasadeed.

Kadib shaacinta Fahad ee  ay kala tageen saaxiibka, waxaan baaris ku ogaanay in kala-gurashada madaxweynihii hore ee Farmaajo iyo isaga ay salka ku hayso laba arrimood oo xasaasi ah, kuwaasi oo kala ah;

1. Xiriirkii dowladda Qatar

Sida aan xogta ku helnay, waxaa si toos ah isugu xirmay Farmaajo iyo sirdoonka Qatar oo markii hore uu wakiil ka ahaa Fahad Yaasiin. Dood iyo khilaaf tallaabadan ka dhashay ayaa muddo soo jiitamayay, illaa uu soo dedejiyay kala-furashada xulafadii Nabad iyo Nolol.

Xiriirka tooska ah ee Farmaajo iyo Qatar waxaa caawiyay saluug ay labada dhinacba ka qabeen hannaankii uu Fahad u maareeyay qarashaadkii ay dawladda Qatar ku bixin jirtay taageeridda nidaamkii Farmaajo iyo ololihii dib-u-doorashada ee guuldarreystay 15-kii May 2022.

2. Raalli-gelinta Xigta iyo Raadinta Xeelad Xuub-dhacsi

Wararku waxa ay sheegayaan in Farmaajo uu in muddo ah la kulmayay cadaadis uga imaanaya jilba-culusta beeshiisa oo ay ku jiraan ganacsato uu taakulo siyaasadeed ka helo, kuwaas oo ku qancinayay in uu heysto fursad uu isaga nadiifin karo eedihii loo heystay maamulkiisa, taas oo ay shardi uga dhigeen in uu iska fogeeyo raggii xulufada la ahaa sida Fahad Yaasiin.

Farmaajo, oo u muuqda mid aragtidaas la dhacay, ayaa la soo werinayaa inuu hadda quud-darreynayo in gefafkii iyo garaafooyinkii siyaasadeed ee ka soo gaaray muddo xileedkiisi hore uu ku geddiyo raggii talada la lahaa, kaddibna uu xulufo cusub kasbado isaga oo isku ekeysiinaya nin dib u saxaya wixii uu qalday.

Waxaa muuqata in dhaxalkii shanta sano ee Nabad iyo Nolol uu ku soo dhammaaday dhaliilo laga kala dhuumanayo.

Hase ahaatee, si kasta oo ay raggii wada joogay u kala jeestaan, waxaa calaamad su’aal saaran tahay sida ay ugu suurtogeli doonto in uu mid kasta goonidiisa u soo xiro xisaabaadkii hore ee ay dartood u kala xarig-furteen.