Xog: Masar oo Soomaaliya keenaysa hub culus iyo noocyada laga soo rarayo Qaahira

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in toddobaadyada soo aadan ay dowladda Masar kasoo dejin doonto magaalada Muqdisho hub kale, xilli ay dhawaan keentay hub culus.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen illo wareedyo amni oo si dhow ula socda arrintaan, in Masar ay soo daabuli doonto hub cusub, oo daba socda kii horey u keentay dalka, waxaana naloogu sheegay noocyada lagu wado in lasoo raro iyo tiradooda, kuwaas oo kala ah;

1- Taangiyada dagaalka, oo tiradooda lagu sheegay illaa 21 xabbo.

2- Hubka lidka diyaaradaha oo casri ah. Tiradooda 90 illaa 110 ayaa naloogu sheegay.

3- Diyaaradaha dagaalka oo isugu jira Crafts iyo Helicopters. Isku jir tiradooda ayaa gaareysa ilaa 24.

4- Iyo qalab kale oo milateri.

Hubkan oo daba socda hubkii hore ee diyaaradaha dowladda Masar ay daba-yaaqadii bishii Augusta kasoo dejiyeen garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa lagu wareejin doona ciidamada Soomaaliya.

Masar ayaa dhawaan dalka keentay gantaallada lidka taangiyada ee garabka laga rido ee dhalaaliya taangiyad ee loo yaqaan Shoulder Fired Anti-Tank Missiles, kuwaas oo tiradoodu gaarayso illaa 141 iyo Radar-ka soo qabta diyuurada dagaalka, kaas oo ka kooban laba sad ama labo qalab oo mid kasta si gooni ah u shaqeyn karo, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen saraakiil milateri.

Miinooyinka loogu talo-galay in ay qarxiyaan taangiyada oo aad u horumarsan ayaa iyagna kamid hubka la keenay Muqdisho. Inkasta oo aad loo hubin tiradooda, haddana waxay ilaha nala hadlay inoo xaqiijiyeen in ay kor u dhaafayaan 1500.

Hubkan oo qeyb ka yahay heshiiska difaac iyo amni ee dhawaan ay gaareen labada dal ee Masar iyo Soomaaliya ayaa wuxuu kusoo aadaya xilli ciidamada Masar la filayo inay yimaadan Soomaaliya, taas ka sakowna Qaahira ay tayeyn doonto ciidamada Soomaaliya oo hub iyo qalab ay siineyso.

Isku soo wada duubo, arrimahaan ayaa imanaya xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda Itoobiya kala dhaxeysa Soomaaliya, sidoo kalena uu Qaahir iyo Addis Ababa ka dhaxeeyo khilaafka diblumaasiyadeed ee salka ku haya webiga Niilka oo Itoobiya ka sameysatay biyo xireen weyn.