Xog: Mas’uuliyiin isku dhex feeray gudaha wasaaradda maaliyadda Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Masuuliyiin ka tirsan wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ayaa waxaa ka dhex qaraxday xiisad cusub, taasi oo gaartay gacan ka hadal, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Laba masuul oo ka tirsan wasaaradda ayaa shalay galab dagaal gacan ka hadal ah uu ku dhex-maray gudaha dhismaha wasaaradda maaliyadda ee magaalada Muqdisho.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen illo wareedyo goobjoog ah, wasiir ku-xigeenka wasaaradda maaliyadda Mr Xaange iyo agaasimaha canshuuraha Faysal Xaashi ayuu gacan ka hadalkan ku dhex-maray gudaha wasaaradda.

Dagaalkaas ayaa la sheegay inuu salka ku hayay qeybsiga dhaqaalaha kasoo xarooda shirkadda gaarka loo leeyahay ee qandaraasyada ay wasaaradda ku siisay soo xareynta dakhliga gudaha.

Agaasime Faysal ayaa la sheega inuu isbido awood dheeri ah oo gudaha wasaaradda, ayada oo la xasuusto inuu kamid ahaa shaqsiyaad uu wasiirkii hore ee maaliyadda shaqo joojin ku sameeyay, taas oo markii dambe uu shaqadiisi ku waayey wasiir Cilmi, maadaama ninkan lagu tiriyo saaxiibada ugu dhow ee madaxweyne Xasan Sheekh.

Sida ay hore u baahisay Caasimada Online, xog ay heshay waxay xaqiijineysa in 70% canshuurta soo xaroota ay shirkaddu ku shubto akoonka wasaaradda maaliyadda, halka 30% ay la harto, waana middaas dhaqaalaha la isku hayo.

Qandaraaska shirkadan oo markii horeba u muuqday mid dano gaar ah oo dhaqaale laga leeyahay ayaa waxaa dad badan ka daadagi weyday sababta ay wasaaraddu ku dooratay inay ogolaato saami, iyada oo helaysa faa’iido 100% ah, haddii ay si iskeed ah usoo aruursato canshuuraha.