Xog: Qorshe yaab leh oo shaqada looga joojiyey maamulkii Hodan iyo Howlwadaag

Muqdisho (Caasimada Online) –Guddoomiyaha degmada Hodan ee gobolka Banaadir iyo dhamaan xubnaha maamulka ee degmadaas ayaa shaqada laga jooyey, kadib markii uu Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee maamulka gobolka  Maxamed Yabooh uu kormeer ku tegay degmadaas.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Yabooh oo ay la socdaan masuuliyiin ka tirsan Gobalka Banaadir ayaa tagay degmooyinka Waliyow Cade oo kala ah, Hodan, Waabari, Howlwadaag iyo Xamar-Jajab.

Qorshuhu wuxuu ahaa in shaqada laga joojiyo Guddoomiyaha degmada Hodan Cali Fahle iyo guddoomiyaha degmada Howlwadaag, waana hirgalay qorshahaas oo hadalheyn badan abuuray.

Yabooh ayaa maamulka degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag iyo madaxda amniga ee degmooyinkaas u sheegay in shaqada laga joojiyay labada Guddoomiye iyo dhamaan xubnaha kale ee maamulka degmada muddo 45 cisho ah.

Sidoo kale wuxuu amray in shaqadooda kor joogteyn lagu sameyn doono, cidii lagu arko wax qalad, habacsanaan shaqo iyo dhaga adeegna la ruqseyn doono, shaqaalaha degmada ayaa la faray in ay la shaqeeyaan xubno kusimayaal laga dhigay.

Maamulada degmooyinka Waabari iyo Xamar-Jajab ayaa dhankooda la siiyay digniin kama dambeys ah, waxaana loo sheegay in 45 cisho oo kor joogtayn iyo la socosho shaqadooda ah ay jiri doonto, isla markaana la ruqseyn doono qofkii u hogaansami waaya amarrada maamulka ama lagu arko shaqo xumo iyo habacsanaan.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Yabooh, ayaa dadkii uu la kulmay u sheegay in guddoomiyaasha degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ay mari doonaan canaan iyo tababar maamul, kadib markii uu sheegay in ay sameeyeen dayacaad iyo xil gudasho la’aan, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Hodan iyo Howlwadaag waa labad degmo ee ugu dhaqaalaha badan Muqdisho, sidoo kalena ugu hormarsan, waxaana la sheegayaa in arrimo dhaqaale la isku hayo ee maamulka gobolka uusan daacad ka aheyn shaqo joojinta maamulka degmooyinkaas.

Si gaar ah degmada Hodan waxay muddooyinkaan noqotay tan ugu hormarsan caasimadda, wuxuuna guddoomiye Madaale maalmo ka hor meel fagaare ah ka sheegay in xubnaha kale ee maamulka gobolka Banaadir uu farayo in wax qabadka ay uga daysadaan guddoomiyaha degmada Hodan Cali Fahle.

Hadda, hadal-heyn badan ayey abuurtay arrintaan, guddoomiyihii maalmo ka hor la yiri halagu daysado  in lagu eedeeyo shaqadiina looga joojiyey xil gudasho la’aan iyo shaqo xumo, waxaana sii xoogeysanaya warar sheegaya in la isku hayo arrimo dhaqaale oo degmada kasoo xarooday.