Xog: Mugdi ku gadaaman heshiis soo saaris shidaal oo Soomaaliya la gashay Qatar

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya oo dhawaan la gashay dowladda Qatar heshiis shidaal qodis ayaa waxaa soo baxeysa daah-furnaan la’aan ku gadaaman hanaanka shidaal soo saarista dalka.

Heshiiskan oo ah nooca “wadaagga wax soo saarka” ayaa shirkadda Alkhaliij u ogolaanaya howl-galinta saddex ceel-shidaal oo ku yaalla berriga Koofurta Soomaaliya, ceelashaan mid kamid ah waxa uu ku yaallaa meel 30KM kaliya u jirta Muqdisho, sida uu sheegay Cabdicasiis Al-daleemi oo ah madaxa fulinta shirkadda Al-khaliij.

“Waxaa lagu heshiiyay ilaa seddex goobood oo dhanka barriga aha kuma jiro wax dhanka badda ah , sidaa darted waxaa la qaadi doona tillaabooyiin degdeg ah Goobahan waxaa hore looga sameeyay sahmin waxayna ahayd talaabadii ugu horeysay ee mashaariicda sahaminta, sidaa darteed waan sii dhamaystiri doonaa,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray “Laakiin sahminti hore waxaa laga joogo muddo 20 sano ah ama ka badan maraka qaarkood, markaa waa lagama maarmaan in lagu celiyo sahmin cusub, iyadoo xooga la saarayo baarista dhulka hoose iyo muuqaalkiisa, waxaana xigi doona in la qodo taas oo aan rajaynayno inay kasoo baxaan wax miro dhal ah.”

Saddexda goobood ee shidaal qodista laga billaabayo ayaa ah goobo 20 sano ka hor baaris lagu sameeyay, laguna ogaaday inay jirto fursad ah in shidaal ama gaas uu ku jiro.

Heshiiskan oo aan wasaaradda Batroolka ka codasanay faah-faahintiisa nooma suurta-gelin in aan helno, balse nuuca heshiiska oo afka qalaad lagu yiraahdo “production sharing agreement” waa hab ay dowladahu kula heshiiyaan shirkada ajnabi ah oo shidaalka soo saara, oo maal-geliya kharashka ku baxaya kadibna saami ku yeesha shidaalka la soo saaro.

Hesshiiska waxaa daraf ka ah shirkad Soomaaliyeed oo la yiraahdo Gulfsom oo bahwadaag la ah Al-khaliij oo maalgelinta qeyb ka bixineysa. Baaris aan sameynay waxaan ku ogaanay in shirkadaan la diiwaan-geliyay sanadkan aan ku jirno ee 2024, halka uu guddoomiye ka yahay mid kamid ah masuuliyiinta bangiyada maxalliga ah.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in telefoonada xiriirka ee ku xusan degelka shirkaddan ay ku qoran tahay magaca gabar uu dhalay guddoomiyaha, halka cinwaanka xafiiska shirkadda adeegsato uusan aheyn mid jira.

Mas’uuliyiinta shirkaddan oo aan la xiriirnay, si aan wax uga weydiino arrimaha, kama jawaabin wicitaankeena.

Si kastaba, arrimahan ayaa abuuraya daah-furnaan la’aan guud oo ku gadaaman howlaha shidaal barista iyo soo saarista Soomaaliya, kuwaas ooo inta badan la sheego in loo maro hanaan mugdi badan ku gadaaman yahay.