Xog: Shirka Golaha Wadatashiga oo u xayiran Axmed Madoobe oo diiday hal arrin

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa dheeraaday, wuxuuna berri gelayaa maalinkii 5-aad, waxaana xogo raami ah laga helayaa arrimaha la isku mari la’ayahay.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa markaan noqday falaago ka aragti duwan madaxda kale, wuxuuna diiday inuu saxiixo qorshaha lagu heshiiyey ee ku saabsan doorashooyinka dalka, isagoo la yimid aragti kale iyo shuruudo.

Ilo wareedyo ku dhow shirka golaha ayaa Caasimada Online u sheegay in Axmed Madoobe diiday in dowlad goboleedyada loo sameeyo hal sano oo muddo kororsi ah, kadibna la qabto doorashooyin qof iyo cod ah bisha November ee sanadka 2025-ka.

Axmed Madoobe ayaa ka fuqi diiday doorasho dadban, isagoo soo jeediyey in sanadkaan dowlad goboleedyada loo madax-baneeyo doorashooyinka, maadaama aan horay looga heshiin, muddo kororsina uu abuuri karo qalalaase siyaasadeed.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa xujo ka dhigay in arrinta doorashada go’aan looga gaaro shir ay goobjoog ka yihiin madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Khaatumo, si beesha Daarood ay door ugu yeelato miiska go’aanka looga gaarayo masiirka dalka.

Xujadaan cusub ee Axmed Madoobe la yimid waxay ku soo aadeysaa iyadoo xalay maamulka KMG ah ee SSC Khaatumo uu codsaday in lagu casuumo shirarka golaha wadatashiga qaranka ee go’aanka looga gaarayo arrimaha masiiriga ah ee dalka

Qorshaha doorasho qof iyo cod ah oo xambaarsan muddo kororsi hal sano ah oo dowlad goboleedyada loo sameynayo waxaa wadata dowladda federaalka, waxaana ku qancay Guudlaawe, Laftagareen iyo Qoor Qoor, sida ay sheegeyso xogtii ugu dambeysay, balse Axmed Madoobe oo aaminsan in doorasho qof iyo cod ah uu ku bixi karo ayaa diidan.

Berri oo shirkaan uu gelayo maalinkii 5-aad waxaa lagu wadaa in madaxdu ay ka soo saaraan war-saxaafadeed, inta ka horeysana waxaa socda dadaalo lagu qancinayo Axmed Madoobe, si heshiiskaan uu qeyb uga noqdo, balse hadii uu diido waxaa suurtagal ah in waqtiga shirka uu sii dheeraado, maadaama madaxda dowladda federaalka ay ku adkeysanayaan go’aankaas.