Xog: Shirka golaha wada-tashiga qaran oo dib uga furmayo Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socdo uu dib uga furmo shirka golaha wadatashiga qaranka ee u dhexeeyo dowladda federaalka iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada dalka, kaas oo uu horay ugu yimid fashil siyaasadeed oo wayn.

Warsaxaafadeed kasoo baxay shirkii ugu dambeeyay ee kusoo dhamaaday natiijo la’aanta ayaa lagu sheegay in 26-ka bishaan Oktoobar oo maanta ku beegan la’isugu soo laaba doono shirka, si loo sii ambo qaado wadahadallada.

Waxaa la filayaa in shirka uu guddoomiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka qayb-galaya madaxweynayaasha Galmudug, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa haatan magaalada Muqdisho ku sugan  madaxweynayaasha Galmudug, Koonfur Galbeed, HirShabelle oo u yimid ka qayb-galka shirka ay hoggaamineyso Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa isaga baxay shirkan, kadib markii uu ka biyo diiday qorshaha Villa Soomaaliya ee qabashada doorasho qof iyo cod ah, halka uu horay uga sii maqnaa madasha madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.

Dadaallo iyo isku dayo ay sameysay dowladda dhexe, si loo qanciyo Axmed Madoobe ayaa sidoo kale fashil kusoo dhamaaday, wuxuuna ku adkeystay in doorasho dadban uu ka qabanayo deegaannasa Jubbaland.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in shirka maanta looga hadli doono xaaladda guud ee dalka, ammaanka iyo arrinta doorashada oo ah ajendaha ugu wayn ee golaha wadatashiga qaranka.

Sida uu qorshuhu yahay madaxda ayaa soo saari doonto go’aanno xasaasi ah oo ku aadan shirkooda oo noqday mid kamid ah kuwii ugu waqti dheeraa oo uu hareeyay is jiidjiid u dhexeeya madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedka dalka.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana horay looga digay in goluhu soo saaro go’aanno aysan qayb ka ahayn maamullada Puntland iyo Jubbaland oo haatan ka maqan shirka golaha wadatashiga qaranka.