Xog: Turkiga iyo xubno saameyn leh oo ku soo baxay xiisadda DF iyo K/Galbeed + qorshaha socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Muqdisho iyo Baydhaba waxa ka socda kulamo la doonayo in xal loogu helo khilaafka u dhaxeeya Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kuwaas oo garabka ugu muhiimsan uu hoggaaminayo Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Sidoo kale xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in dowladda Turkiga ay soo faro-gelisay khilaafka DF iyo K/Galbeed, waxaana shalay iyo maanta socday wadahadallo aan weli natiijadooda la shaacin, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda hormar laga gaaro wadahadalka, maadaama dhinacyadu aysan isku heyn qadiyado waaweyn.

Taliyaha ciidamada Asluubta ayaa shalay tegay magaalada Baydhaba, si dowladda dhexe iyo maamulka Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen uu u dhexdhexaadiyo, waana sarkaal idman oo saaxiib la ah Xasan Sheekh iyo Laftagareen labadaba.

Sidoo kale Jeneraal Mahad wuxuu dhalay xaaska Madaxweyne Laftagareen, waana qofka ugu horeeya ee Laftagareen uu talada ka qaato, hadda wuxuu u kala dabqaadayaa dowladda dhexe oo xil sare uu ka hayo iyo wiilkiisa Cabdicasiis Lagtagareen.

Xubno xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay inay suurtagal tahay in lasoo saaro isfaham dhigaya in madaxda dowladda federaalka iyo Cabdicasiis Laftagareen ay si fool ka fool ah u kulmaan, waxaana suurtagal ah in Koonfur Galbeed ay shuruud ka dhigto in kulankaas uu ka dhaco meel ka baxsan Muqdisho.

Wararka qaar waxay sheegayaan inay suurtagal tahay in la isla aado Ankara oo madaxda dowladda federaalka iyo Koonfur Galbeed ay u kala gar-qaado dowladda Turkiga oo soo farogelisay xiisadaan.

Xiisadaan ayaa salka ku heysa doorashada daahday ee madaxtinimada Koonfur Galbeed iyo damaca Itoobiya oo ka soo dhex hadashay dad reer K/Galbeed ah oo Laftagareen uu ugu horeeyo, taasi oo dhabar jab ku ah qaranimada Soomaaliya, kana caroodeen dowladda dhexe iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

Dowladda federaalka iyo Laftagareen ayaa isku haya doorashada iyo qaabka loo qabanayo, waxaana xiisadaan dabka ku sii shideysa Itoobiya oo noqotay wadan cadow ku ah Soomaaliya, waxayna la safteen hoggaamiyaha K/Galbeed si siyaasadda dalka ay u qasaan, saameyna ugu yeeshaan.