XOG: WAARE oo la saftay qorshe ay Itoobiya ka dhex wadday ururka IGAD

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hor yimid mowqifka dowladda Federaalka Soomaaliya kadib markii uu si toos ah ula saftay Xoghayaha Urur Goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu, oo u dhashay Itoobiya, kaas oo amar ku bixiyay in shaqada laga ceyriyo madaxa Xarunta Odoroska Cimilada ee IGAD (ICPAC), Dr. Guuleed Cartan, oo markiisii hore ku yimid magacaabid siyaasadeed taas oo qeyb ka ah nidaamka ay wax ku qeybsadaan dowladdaha xubnaha ka ah IGAD. 

Arrintan ayaa soo baxday kadib markii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ay warqad u dirtay guddoonka golaha wasiirada IGAD, oo ah Jabuuti, horaantii bishan Luulyo, taas oo lagu cadeeyay in magacaabista Soomaaliya, sharci ahaan, ay tahay mid lama-taabtaan ah ilaa dowladda ay kala soo laabato ama badasho.

Wareegtadan loo diray gudoonka IGAD oo ah wasiirka arrimaha dibada ee Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa intaas raacisay in xoghayaha IGAD uusan awood u laheyn in uu badalo ama shaqada ka ruqseeyo saraakiisha ku timid magacaabista dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD. 

Caasimada Online oo arrintan u kuurgashay ayaa soo ogaatay in Jamaal Maxamed Xasan, oo ahaan jiray wasiirkii qorsheynta ee dowladdii Farmaajo, haatana ah agaasime IGAD, uu yahay ninka ugu dhow xoghayaha Workneh Gebeyehu, isla markaana lahaa aragtida ah in lala wareego Xarunta Odoroska Cimilada ee fadhigeedu yahay Nairobi, si dowladda Soomaaliya looga faramaroojiyo hoggaanka.

Guuleed Cartan

Waare oo ah ku-xigeenka xoghayaha IGAD ayaa Axadii lasoo dhaafay warqad uu ku saxiixan yahay u diray Guuleed Cartan si xilka looga wareejiyo asagoo og in dowladda Soomaaliya ay matalaad siyaasadeed kusoo magacowday horaantii sanadkii 2015-ka.

Tallaabadan uu qaaday Waare ayaa lagu sheegay mid qar-iskatuur ah, islamarkaana lid ku ah wareegtadii ay Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya u dirtay gudoonka IGAD ee 6-dii Luulyo 2024 si maamulka IGAD uga laabto go’aankii sharci darada ahaa oo ay doonayeen in shaqada looga fariisiyo Dr. Guuleed Cartan. 

Go’aanka Waare ayaa si cad uga hor imaanaya danaha Soomaaliya, dhanka kalena, waxay isgarab-taag buuxa u tahay Workneh Gebeyehu-ga Itoobiya xili la aaminsan yahay in xiriirka labada dal uu meel xasaasi ah marayo. 

Caasimada Online oo hubisay dhammaan warqadihii la isku diray iyo jawaabihii ka dhashay ayaa xaqiijisay in IGAD ay ka hawl-galaan hawl-wadeeno fara badan oo ka weyn da’da halgabka ee 60-jirka ah. Tusaale ahaan, hawlwadeenada lexdanka gaaray ama ka weyn waxaa ka mid ah Maxamed Cabdi Waare (Somalia), Fatxiya Calwaan (Jabuuti), Muuse Meygaag (Jabuuti), Ismaaciil Waceys (Jabuuti), Mohy Tohami (Sudan), Kebede Tsegaye (Itoobiya), Ameha Sebsiba (Itoobiya). 

Mas’uuliyiintan oo dhammaantood ka gowsahaysta dalalka ay kasoo jeedaan ayaa ku magacaaban xilal kala duwan, marka laga reebo Maxamed Cabdi Waare oo dhawaan ku soo biiray IGAD, balse isku dayay in uu fuliyo go’aanka xoghayaha IGAD oo ah sifo sharci-darro ah. 

Shaqsi aad ugu dhow xoghayaha IGAD oo u waramay Caasimada Online, isla markaana ku adkeystay in aan la magac-dhabin, ayaa yiri “Workneh waa uu ka cago jiiday kolkii hore in ku-xigeen looga dhigo qof ka socda Soomaaliya, maadaama uu IGAD u maamusho sida uu doono, balse kusoo biiristii Waare waxay xoojisay dhaqankii sharci darada ee uu ku socday Workneh Gebeyehu, halka Waare-na uu ka noqday wehel ku garabsiiya ku tumashada qawaaniinta kala hagta dalalka ku baheysan Urur Goboleedka IGAD. Waxaa intaas u dheer ismuujin, xog waran ku aaddan arrimaha Soomaaliya iyo tillaabooyin uu kalsooni kaga raadinayo Itoobiyaanka IGAD heysta.”

“Waare wuxuu ku andacoonayaa in uu fulinayo awaamirtii la faray, laakiin IGAD sidaas uma shaqeyso, dalalka xubnaha ka ah ayaa iska leh oo ma ahan hay’ad ama shirkad madax-banaan,” sidaas waxaa yiri Maxamed Cali oo si hoose ula socda xiisada ka taagan IGAD.

Waxaan hoos idin kula wadaageynaa warqadda Waare qoray ee ka dhanka ah Dr. Guuleed Cartan iyo warqadda wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya.