Waxay u egtahay in siyaasadda Soomaaliya loo rakibay qaab dhismeed markasta ay qasab tahay in uu dhasho khilaaf siyaasadeed oo ragaadiya shaqada ay laamaha ay ka koobantahay dowladda.
Markii 8-dii feberaayo, 2017-dii madaxweynaha Soomaaliya loo doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, muddo kadibna uu soo magacaabay Ra’isulwasaare ayuu balanqaaday in aysan marnaba is qaban doonin Ra’isulwasaarihiisa, waqtina isla dhamaysan doonaan.
Balantaasi waxa ay u egtahay in ay wali shaqanayso, balse taasi kama dhigneyn in uusan dalka ka dhicin khilaaf siyaasadeed oo la mid ah kuwii dalka horay uga dhici jiray.
Haddaba maxaan ka ognahay khilaafka siyaasadeed illaa iyo hadda?
Waxaa jirta oraah dhahaysa “Khilaafka meesha uu ka biloowdo ayaa go’aan laga gaari karaa, balse sida uu ku dhammaanayo cidna ma go’aamin karto”, waxaana taas marag fur u ah khilaafyadii hore ee dalka kasoo dhici jirey, kuwaas oo mar ka mid ah galaafatay xilkii Ra’isulwasaarenimada ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Hadda waa ay adagtahay in laga hadlo halka uu ku biyo shuban doono iyo cidda uu galaafan karo.
Hase yeeshee waxa aan si kooban uga hadli karnaa marxaladihii uu khilaafka soo maray iyo xigashooyinka aan ka hayno illaa iyo hadda dadka uu khilaafka quseeyo.
Xigashooyinka
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo muddo dheer oo 18 maalmood ah ayuu ka aamusnaa xasaradaha aloosan, balse maalinkii 31-da March, oo sabti ahayd ayuu isugu yeeray guddoonka baarlamaanka, wuxuuna dhinacyada ku qanciyay in la baajiyo kulamadii iska soo horjeeday ee baarlamaanka.
Waxaa warbaahinta gudaha kusoo baxay warar sheegaya in uu jiray heshiis dhexmaray madaxweynaha iyo Jawaari oo ahaa in uu xilka ka dego Jawaari, balse ma jirin cid xaqiijisay heshiiskaasi oo aan ka ahayn hadalkii Jawaari ee ahaa in madaxweynaha uu uga yimid codsi ah in uu is casilo.
Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre oo golihiisa wasiirada inta badan ay saxiixeen mooshinka xilka looga tuurayo guddoomiyaha baarlamaanka ayaanan isna laga haynin wax hadal ah, inkasta oo marar badan saxaafadda laga eedeeyay in uu isagu gadaal ka riixayo mooshinka.
Guddoomiyaha baarlamaanka Prof Maxamed Cusmaan Jawaari oo mooshinka xilka looga tuurayo uu dhaliyay khilaafka siyaasadeed ayaa dhawr jeer warbaahinta la hadlay, marba marka ka dambeysa hadalkiisa waa uu ka faahfaahsanaa markii ka horeysay.
“Aniga iyo labadeyda ku xigeen ayuu madaxweynaha inoo yeeray, waxaanan ku heshiinay in kulankii sabtida la baajiyo si aysan foodo u dhicin, wuxuuna balanqaaday in garabyada is haya isugu yeero si xal loo gaaro, balse taasi ma dhicin, arrintiisana waxa ay dhaafi weysay in uu aniga iga codsado in aan is casilo, balse xukuumadda oo khilaafkan abaabushay, iyadaa ku habboon in la weeydiiyo in ay is casilaan iyo in kale”. Ayuu yiri Jawaari
“Arrintaas aad baa la’iiga gardaranyahay in la i weeydiiyo in aan is casilo, is casili maayo, is casili maayo, sharci baan ku imid, sharci baan ku baxaa haddii loo baahdo” ayuu yiri Prof Maxamed Cusmaan Jawaari .
“Wixii dhaca ee dhibaato ah shirka bari, anaga mas’uul kama nihin, waxaana mas’uul ka ah madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaanan culumada iyo ururada bulshada ka codsanayaa in madaxweynaha lala hadlo, iskana dhaafo dhinaca uu jiro, dhexdhexaad ka noqdo,waajibaadkiisa dastuuriga ahna uu guto”.
Maalintii Arbacada
Maalinta waxa ay ku bilaabatay iyada oo ciidammada ay xireen dhammaan waddooyinka caasimadda, islamarkaasna joojiyeen dhaqdhaqaaqii shacabka iyo gaadiidka iyo waliba ganacsiga.
Dalka oo dhan waxa uu dareenkiisa u jiheystay dhismaha golaha shacabka oo la filayay in qeyb ka mid ah xildhibaanada iyo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka ay doonayeen in codka kalsoonida loo qaado guddoomiye Jawaari iyo qeyb kale oo xildhibaano ah iyo guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa labaad oo dhinac ah, kana soo horjeeda codka mooshinka.
Warbaahinta waa loo diiday in ay galaan gudaha baarlamaanka, iyaga oo wararka kasoo tabinayay banaanka hore.
Saacado kadib waxaa soo ifbaxday in ay gudaha u galeen ciidammo hubeysan, xildhibaanada intooda badana ay kasoo laabteen gudaha, qaarkoodna loo diiday in ay galaan.
Xildhibaan Cabdicasiis Dhagoqool oo BBC-da la hadlay mar uu gudaha kasoo baxay ayaa guddoomiye Jawaari ku eedeeyay in uu baarlamaanka kula wareegay ciidamo isaga taabacsan.
Taliyeyaasha Militariga, Booliiska iyo Asluubta oo shir jaraa’id si wadajir ah u qabtay ayaa iyaguna sheegay in ciidanka meesha galay aysan ka warhaynin kuwa ay yihiin, sheegayna in ay baarayaan, iyaga oo ku eedeeyay guddoomiye Jawaari in uu baarlamaanka geystay askar.
Balse Jawaari oo hadlay ayaa sheegay in warkaasi uusan waxbo ka jirin “Waxaa nasiib darro ah in la yiraahdo guddoomiyihii golaha shacabka ayaa qabsaday golaha shacabka, 11 qof oo askari wax ma qabsan karaan?! Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa golaha qabsaday waxaa ay la mid tahay madaxweynaha oo madaxtooyada qabsaday” ayuu yiri.
Guddoomiye Jawaari ayaa sidoo kale sheegay in ciidankiisii laga reebay, uuna ka reebay wasiirka amniga oo uu sheegay in uu ka midyahay xildhibaanada saxiixay mooshinka.
Ugu dambeyntii waxaa dhacday in mid ka mid ah taliyeyaasha AMISOM Brig. Gen. Paul Lokech uu tagay baarlamaanka, islamarkaasna sheegay in uu aad uga xunyahay khilaafka dhacay.
Waxa uu soo bandhigay saddex qodob oo ay tahay in la kala doorto, kalana ah in xukuumadda iyo baarlamaanka ku heshiiyaan in amniga baarlamaanka ay AMISOM la wareegto, in kulanka lagu qabto meel dhexdhexaad ah ama in Soomaalida iyagu hawlahooda dhamaystaan, AMISOMna ay meesha ka baxdo.
Waa sidee hadda xaalka?
24 saac kadib dhacdadii shalay ee baarlamaanka, ma jiraan wax shanqar ah oo kasoo yeertay labada dhinac, waxayna u egtahay in dhinacyada ay ku kala laabteen dhufeysyadii ay kasoo abaabulayeen dhaqdhaaqooda siyaasadeed.
Waxaa laga wada war dhawrayaa talaabada xigta ee ay qaadayaan labada dhinac, balse waxaa hubanti ah in xilligan la taaganyahay uu baarlamaanka kala jabanyahay, madaxdii dalka ugu sareysayna uu ka dhaxeeyo khilaaf banaanka usoo baxay.
Marka laga reebo eedaha ay xildhibaanada u jeediyeen Jawaari oo ah in uu xil gudasho la’aan sameeyay, lama oga sababta rasmiga ah ee ay isku qoomeen madaxda ugu sareysa ee dowladda federaalka.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Cabdiwali Ibraahim Muudeey oo shir jaraa’id ka hadlay ayaa ciidammada dowladda ka codsaday in ay la wareegaan amniga baarlamaanka, hubantina ka dhigaan in uu qabsoomo shirka baarlamaanka.
Marka hadalkaas lagu daro kii taliyeyaasha ay jeediyeen, ayaanan la odorosi karin talaabada xigta ee la filan karo in la qaado, balse waxaa jirta saansaan kasta oo muujinaysa in ciidammada ay markii ugu horeysay qeyb ka noqon karaan khilaafka madaxda rayidka ah ee Soomaaliya.
Guddoomiye Jawaari oo maalmo ka hor hadlay ayaa yiri “Waxaa jirta saansaan muujinaysa in af gambi militari uu dhacayo”, hadalkaas kama aysan jawaabin laanta fulinta.