Xog: Xamza iyo Sanbaloolshe oo Baydhaba u tegay baajinta qorshe xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre iyo wafdi u hoggaaminayo oo uu qeyb ka yahay Taliyaha NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa xalay ku hoyday magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaare Xamza iyo Taliye Sanbaloolshe ayaa Baydhabo u tagay xalinta xiisada siyaasadeed ee madaxweyne Lafta-gareen iyo Villa Somalia, iyada oo uu diray madaxweyne Xasan Sheekh, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen illo wareedyo ku sugan Baydhabo, waxaa haatan kulan u socdaa labada dhinac sidii loo qaboojin lahaa xiisadaas, isla markaana madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen u aqbali lahaa shirka soo socda ee golaha wadatashiga qaran.

Lafta-gareen ayaa lasoo warinayaa inuu qorsheynayo qabashada doorasho gaar ah, waxaana la sheegayaa in saraakiisha Itoobiya ee Baydhabo jooga ay ku cadaadinayaan tallaabadaas inuu qaado, xilli uu dhawaan warbaahinta ka beer laxawsaday reer Koonfur Galbeed.

Qorshaha Lafta-gareen oo Itoobiyaanka gadaal ka riixayaan ayaa waxaa la sheegay inay uga dan leeyihiin si uu uga furto Villa Somalia iyo qorshaheeda doorasho qof iyo cod, xilli ay Addis Ababa iyo Muqdisho ka dhex aloosan tahay xiisad salka ku haysa is-afgaradkii Abiy uu la gaaray Muuse Biixi.

Xiisadda Villa Somalia iyo Koonfur Galbeed ayaa dhowaan cirka isku shareertay, kadib markii maamulka Lafta-gareen uu ka horyimid qorshaha Villa Somalia ee ku aadan sida loo wajahayo arrinta Itoobiya, waxaana deegaanada maamulkaasi ka dhacay dibad-baxyo lagu taageeray ciidanka Itoobiya.

Sidoo kale waxaa jirtay in xildhibaannada maamulkaasi ay taageereen qorshaha Koonfur Galbeed ku rabto Itoobiyaanka, kuwaas oo iyana uga sii darah xiisadda haatan taagan oo yeelatay waji cusub, kuwaas oo uu umahad-celiyay Lafta-gareen.

Si kastaba, waxaa haatan isha lagu hayaa waxa kasoo bixi doona kulamada xasaasiga ah ee madaxda dowladda federaalka ee ku sugan Baydhabo iyo maamulka Koonfur Galbeed uga socda caasimada maamulkaasi.