Muqdisho (Caasimada Online)-Ereyga Parliament oo ah erey asalkiisu yahay Franciis macnihiisana noqonayo “Hadal ama dood” ayaa waqtiyadan casriga ah loo macneeyaa inuu yahay “Sharci-Dejiye”. Marka laga hadlayo qaabdhismeedka Dawladda ee soo jireenka ah, Baarlamaanku waa qayb ka mid ah saddexda qaybood oo ay dawladdu ka koobanto. Labada kale waa Fulinta iyo Garsoorka.
Sababta ugu weyn ee dawladda loogu qaybiyey laamahan ayaa lagu sheegaa inay tahay “Is-Dheeli-tirid” ama waxa afka qalaad lagu yiraahdo “Check and Balance” taas oo haddaan si fudud u sheegno ka dhigan in shuruucda lagu dhaqmayo ay dejiyaan Baarlamaanka, Xukuumadana ay fuliso halka Garsoorkana uu hubiyo in sharciga loogu dhaqmo sida waajibka ah.
Shaqooyinka Baarlamaanada wadamada caalamka inta badan waa isku dhow yihiin, inkastoo ay ku kala duwan yihiin saameynta ay ku leeyihiin xukuumadda oo haddii nidaamka wadan u degsan uu yahay mid Baarlamaani ah ay Xukuumaddu toosin iyo u igmasho shaqo ay Baarlamaanka uga danbeyso. Guud ahaan shaqooyinka Baarlamaanka waxaa ugu waaweyn shan shaqo oo kala ah:
• Kormeerka iyo toosinta shaqada Xukuumadda (ayagoo Guddiyo isu qaybinaya),
• Ansixinta Barnaamijka Xukuumadda oo ay ku jirto Miisaaniyadda,
• Sameynta iyo wax ka beddelka Shuruucda oo uu ku jiro Dastuurka,
• Matalaadda Shacabka iyo deegaan doorashada iyo
• Ka doodidda arrimaha muhiimka ah ee maalin laha ah ee dalka ka jira
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa ay leedahay Baarlamaan Federaal ah oo ka kooban laba Aqal (Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare) oo leh awoodo iyo shaqooyin la mid ah kuwa Baarlamaanada addunka ee kor ku xusan.
Ujeedada labada Aqal oo inta badan loo sameeyo wadamada Federaalka ayaa ah in la helo dheelli-tirnaan dhanka shaqada sharci dejinta iyo matalaad shacab iyo siyaasadaba leh.
Dastuurka sida KMG loo ansixiyey 2012 ayaa qodobadiisa 69aad iyo 71aad ku cadeynaya waajibaadka Aqal walba uu gaarka u leeyahay iyo midka ay wadaagaan (Inkastoo aaney u kala cadeyn si fiican habraaca wada-shaqeynta balse la filayo in Dastuurka dib u eegistiisa lagu saxo wixii mugdi ku jira).
Hadaba, sidee ayuu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u qabtaa waajibaadka Dastuuriga ee loo igmadey?
Waxaan qirayaa anigoo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka gaar ahaan Aqalka Sare in waajibaadka na saaran aanan sidii loogu talo-galey u gudaneynin. Waxaa laga yaaba in saaxiibo badan oo igala tirsan Baarlamaanka aaney igu raacin in shaqada Baarlamaanku si fiican u soconin, balse waxaan uga gol-leeyahay in su’aasha la is waydiiyo qiimeyna la isku sameeyo. Tusaale hadaan ka soo qaato mid ka mid ah waajibaadka Baarlamaanka oo ah sharci-jedinta, waxaan dhihi karaa waxay ku socotaa si gaabis ah. Sida ku xusan qodobka 80aad ee Dastuurka, sharci qabyo ah oo heer qaran ah (marka laga reebo miisaaniyadda sanad laha) waxaa curin kara:
• Xukuumada: Wasiirka ayaa soo jeediya kadibna Golaha Wasiirada ayaa ansixiya,
• Golaha Shacabka: Ugu yeraan 10 xubnood oo ka tirsan Golaha Shacabka,
• Aqalka Sare: Ugu yeraan hal wakiil oo ka socda Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka ama Guddi kasta oo ka mid ah Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.
Hadaba sababta aan u leeyahay gaabis ayaa jira ayaa ah in aanu jirin xubin ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo curineysa sharci qabyo kana faa’ideysaneysa waajibaadka Dastuuriga.
Ilaa hada inta aan ka warqabo, xataa Baarlamaanadii hore, waxaa curin sharci laga sugaa xukuumadda oo u soo gudbisa Baarlamaanka si looga dooda loona ansixiyo.
Tusaale ahaan, inkastoo uusan ahayn is-barbar dhig ku habboon, John McCain oo ka tirsan Senateka Mareynkanka ayaa curiyey ilaa 2,683 sharci oo keligiis ah, halka ay dadka kale oo shaqo wadaag yihiin isla curiyeen ilaa 4,569 sharci.
Sidoo kale dhaqanka ilaa hadda an ku arkey labada Aqal muddadii sanadka ahayd ee aan ku jirey ayaa ah in aanan wax weyn laga bedelin waxa ay xukuumaddu soo gudbiso oo faaqidaad, falanqayn iyo doodo wax ku ool ah lagama sameeyo shuruucda la ansixiyo.
Taas, anoo wax badan u deynaya in shacabka ay qiimeyn sameeyaan, hadana aniga aragtideyda waxaa ay tahay in qaabka sharci curinta iyo ansixinta ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ay wax igala qaldan yihiin loona baahan yahay in aan wax ka beddelno.
Ka warama haddii laga hadlo in xukuumadda la kormeero lalana xisaabtamo? Aniga waxaan dareemayaa in la xisaabtan dhab ah oo ku saleysan dan-guud iyo in diiradda la saaro waajibaadka gaar ka ah ee wasaaradi leedahay aanu Baarlamaanku diiradda saarin.
Marka laga reebo soojeedin (motion) siyaasadeysan oo dano gaar ah ka dhex guuxeyso, waa ay yer tahay soojeedimada xubnaha labada aqal ee la xiriira danta guud ee dalka.
Maxaa laga fuliyaa waajibaadyada kale Baarlamaaniga ah sida matalaadda shacabka gaar ahaan deegaan doorashada?
Xildhibaankee inta uu tago deegaanka dadkiisu ku badan yihiin la wadaaga akhbaar ku saabsan howlaha dawladda iyo siyaasadda guud, ka dhegeysta tabashadooda, si sax ah u soo ururiya afkaartooda islamarkaana ka gada Xukuumadda, Soomaalida kale iyo Beesha Caalamkaba? Sidoo kale, xildhibaankee intuu daraaseeyo arrimaha muhiimka ee socda, sida tan hadda taagan ee canshuuraha, mowqif ka yeesha oo qoraal ah iskuna daya inuu xalka wax ka galo si ku meel gaar ah, mustaqbal ahaana uga fikira sidii sharci adag looga soo saar lahaa?
Waxaa laga yaabaa inaad is weydiisaan su’aalo ay ka mid tahay Xuseen soo asagaba xildhibaan ma ahan oo howshan uma taalo? Maxaase ku kalifey inuu arimahan ka hadlo? Anigoo xildhibaan ah ayaan hadana sheegayaa si anigaba ay si fiican iiga dhaadhacdo islamarkaana saaxiibadey kale ee labada Aqal aan ula wadaago in shaqadeena aan si sax u gudano si aan Madaxweynaha iyo Xukuumaduba ula xisaabtano.
Qodobka kale ee igu kalifey ayaa ah in shacabka Soomaaliyeed qayb badan oo ka mid aaney fahamsaneyn doorka iyo waajibaadka xildhibaanka ay soo doorteen sidaa darteed ay ku wareersan yihiin halbeegga ay isticmaalayaan marka ay la xisaabtamayaan xildhibaankooda.
Waxaan ka cudur daaranayaa in qoraalkeygan uu kooban yahay sidaa darteedna laga yaabo in si fiican aanu u faahfaahinin waxyaabo badan oo muhiim u ahaa shaqada Baarlamaan si gaar ahnna wadciga ama xaaladda Soomaaliya iyo Baarlamaankeeda uu u shaqeeyo.
W/Q. Senator Xuseen Sheekh Maxamud
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com