Xog xasaasi ah oo ka soo korortay dilkii hooyo iyo gabdhaheeda loogu geystay Nairobi

Nairobi (Caasimada Online) – Xogo dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kiiska dilka loo geystay hooyo Soomaaliyeed, gabadheeda iyo gabadh kale oo ay habar-yar u tahay, kuwaas meydadkooda laga helay gudaha Nairobi.

Waaxda dambi-baarista Kenya ee DCI ayaa shaacisay in baaritaan ay sameeyeen lagu ogaaday tuhmanaha ugu weyn ee kiiskaan, ayada oo soo bandhigtay xogta ninkaan.

“Dembi-baarayaasha ku daba jiray dilalka foosha xun ee loo geystay saddex xubnood oo hal qoys ah oo kala ahaa hooyo, gabadheeda iyo gabar 12 jir ah oo ay habaryar u ahayd, ayaa aqoonsaday tuhmanaha ugu weyn ee looga shakisan yahay dilkaas,” ayaa lagu yiri qoraal ay waaxda dambi-baarista Kenya ku baahisay barteeda Facebook.

Sidoo kale waxay waaxdu soo bandhigtay sawirka iyo magaca nin ay sheegeen inuu ahaa darawalkii waday gaariga qaaday gabdhaha la dilay.

“Baaritaanada ilaa hadda la sameeyay ayaa lagu ogaaday in tuhmanaha uu dhibbanayaasha kasoo qaaday gurigooda Islii 21-kii October, 2024, saacado ka hor inta aan meydkooda la helin oo meelo kala duwan la dhigay.”

Baabuurka lagu qaaday haweenka la dilay ayaa laga helay meel cidlo ah, oo ku dhow suuqa suuqa Wakulima, iyada oo DCI ay u jiidatay xarunteeda si baaritaan dheeraad loogu sameeyo.

“Iyadoo hal qof oo la tuhunsan yahay uu xiran yahay oo gacan ka geysanayo baaritaanka, waxaan ka codsaneynaa qof kasta oo laga yaabo inuu helo macluumaad gacan ka geysan kara xiritaanka ninkaan inuu la soo xiriiro DCI”, ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay DCI .

Allaha u naxariistee hooyada iyo labada gabdhood ayaa shalay lagu aasay xabaalaha Langata ee magaalada Nairobi, halkaas oo ay aaskooda ka soo qeyb-galeen dadweyne aad u fara badan.