Garowe (Caasimada Onlie) – Xiisadda colaadeed ee ka taagan gobolka Sool, Cayn iyo Sanaag ee u dhaxaysa Puntland iyo Somaliland, ayaa waxaa saldhig u ah in dadka siyaasada hurmudka u ah ee kasoo jeeda degaanadaan kala qaybsanaantoodu tahay mid shaqsiyadeed balse aysan eegin danaha shucuubta ku nool goboladaas.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamo gaaraya 160 Askari oo horay uga goostay Puntland kuna biiray Somaliland ay maalintii 11/2/2018 shaaciyeen inay dib ugu soo noqdeen maamulkoodii hore iyagoo doonaya inay ka qayb qaataan sidii loo ilaalin lahaa dhulkooda. Waxay sheegeen in markii hore ugu wareegeen dhinaca Asad tahay sababo Dayac uga yimid Puntland iyo duruufo soo wajahay, balse aysan marnaba ku raacin Qadiyay.
Goobta Ciidamada isku soo dhiibayeen waxaa ku sugnaa siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka Cayn oo katirsan Puntland.
Ciidamadan oo markii hore ku sugnaa deegaanka Carro-weyne ee gobolka Cayn ayaa la rumaysanyahay inay isku beel yihiin Wasiirkii hore ee Caafimaadka Somaliland, Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-toose, oo iminka ku sugan magaalada Hargaysa islamarkaana uusan wanaagsanayn calaaqaadka kala dhaxeeya dowladda uu hogaamiyo Muuse Biixi Cabdi.
Tallaabada ay ciidamada uga soo goosteen maamulka Hargaysa, ayaa loo malynayaa inay tahay qorshe uu Xaglo-toosiye ku raadinayo inuu mar kale kaga soo dhex-muuqdo masraxa siyaasadda Puntland iyo loollanka doorasho ee la filayo inay dhacdo sannadka dambe.
Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-toosiya ayaa shacabka Puntland barteen 2009-kii markaas oo uu kamid ahaa raggii ku jiray loollanka doorashada hogaanka sare ee maamulkaas isagoo raadinayay Kursiga Madaxweyne ku-xigeenka.
Xaglo-toosiye, ayaa waqtigaas ku fashilmay inuu wax xil ah ka qabto Puntland, wuxuu damaciisii u wareejiyay dhinaca Hargaysa ilaa markii dambe noqdo Wasiir Caafimaad, wuxuuna raadiyay Guddoomiyaha Kulmiye iyo inuu kamid noqdo xukuumadda Cusub balse wuu ku guul darraystay.
Warar kale ayaa sheegaya in arrintan ay keentay booqasho uu magaalada Buuhoodle ku tagay wasiirkii lagu badalay Xagla-toosiye, Cabdirashiid Ducaale Qambi, kasoo magaalada Buuhoodle booqday iyadoo ay jirto xiisadda u dhaxaysa labada maamul.
Tan iyo markii Somaliland ay la wareegtay qayb kamid ah Sool, waxay sare u qaaday booqashooyinka ay ku tagayso qaybo kamid ah gobollada lagu muransanyahay, kuwaasoo ay horboodayeen xubnaha kasoo jeeda gobolladaas ee ku sugan Hargaysa.
Siyaasiyiinta kasoo jeeda goboladaan gaar ahaan Sool iyo Cayn ee ku sugan magalada Garowe ayaa booqasho dowladeed ku bixin karin degaanadaan ay kasoo jeedaan tan iyo intii Laascaano gashey gacanta Somaliland.
Maamulka Puntland oo ka koobnaa markii dhidibada loo taagey 5 gobol ayaa awood qaybsiga hay’adaha dowlada lagu saleeyey Gobolada Nugaal, Sool, Sanaag, Mudug iyo Barri. Gobolka Sool iyo Cayn ayaa heshiiskan awood qaybsiga ee la gaarey 1998 waxaa Dowlada Puntland ay ku leeyihin Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Guddoomiye ku xigeenka Barlamanka, 17 xildhibaan, Wasiiro iyo howl-wadeeno kale.
Dhinaca kale waxaa jira Siyaasiyiinta marar kala duwan ku biiray Somaliland dibna ugu soo laabtay Puntland oo hadda ku sugan magaalada Garoowe, kuwasoo uu kamid yahay Axmed Cabdi Xaabsade.
Xaabsade oo ilaa markii uu talada Puntland qabtay Madaxweyne Gaas ku sugnaa Garoowe, ayaa kamid ah ragga lagu eedeeyo in magaalada Laas-caano u gacanta u galiyeen Somaliland waqtigii uu xukunka hayay AUN General Cadde Muuse Xirsi. Siyaasigan ayaa rajo ka qabay in Madaxweyne Gaas xil u magacaabo.
Xaabsade ayaa goob joog ka ahaa aasaaskii Somaliland isagoo gudoomiye Barlaman ka noqdey, Puntland xil Wasiir ka qabtey xiligii AHN Madaxweyne Cabdulahi Yusuf, dib ugu noqdey Somaliland xiligii Madaxweyne Cadde Madaxweynaha ahaa AHN isagoo markaas Wasiir ka noqdey Somaliland.
Iminka waxaa jira siyaasiyiin kasoo jeeda gobolkaas, balse xilal ka haya labada maamul gaar ahaan Somaliland oo hormuud ka ah xiisadda ka taagan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.
Sida la rumeysan yahay weerarkii ciidamada Somaliland ku qabsadeen Tulada Tukaraq waxaa bilowgiisa iska lahaa saraakiil iyo siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka Sool. Weerarkaan markii uu dhacey subaxnimadii 8 Jan,2018 ayaa isla-barqanimadii maalintaas waxaa si degdeg ah duulaankaas inuu sharci yahay Barlamanka maamulka Somaliland uga ansaxiyey Gudoomiyaha Barlamanka oo kasoo jeeda gobolka Sool.
Arrintan ayaa shacinaysa doorka siyaasiyiinta gobolkan ka cayaaranayaan in Sool, Sanaag iyo Cayn noqon waayaan kuwo dagan islamarkaana la jaan-qaada gobollada kale.
Falkaan ayaa ku soo beegmaya xilli Tuulada Tukaraq isku horfadhiyaan labo ciidan ee ka tirsan labada maamul ee Puntalnd iyo Somaliland kuwasoo dadaal ugu jira sidii mid walba u heli lahaa tageerada dadka daga goboladaan kuwasoo tan iyo intii Dowlada Soomaaliya dhacdey la jahawareersanaa shaqaiyaadka shaqo doonka ee isaga kala gooshaya magaalooyinka Hargeysa iyo Garowe.
Xigasho: Garowe Online