Xog: Xasan oo dib u bilaabay qorshiisa dastuurka, lana wadaagay guddoonka BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta hoygooda ku booqday Guddoomiyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka dalka Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Sidoo kale isla maanta Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu xafiiskiisa ugu tegay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Xamse Cabdi Barre oo ay wehliyaan wasiiro hoggaaminaya guddiga loo xil-saaray qaban-qaabada munaasabadaha toddobaadka xoriyadda.

Qoraal ay Madaxtooyadu ka soo saartay kulamadaas ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu uu madaxdaas ugu tegay inuu “lasoo qaybsado farxadda maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada dalka.”

Faahfaahin intaas dhaafsan lagama bixin kulamada Xasan Sheekh uu guryahooda kula yeeshay 3 masuul ee dalka ugu sareysa markii laga soo tago isaga oo madaxweynaha jamhuuriyadda ah.

Xogta ay kulamadaas ka heshay Caasimada Online waxay sheegeysaa in Xasan Sheekh uu masuuliyiintaas kala hadlay arrimnta dastuurka oo aad uu u daneynayo in la dhameystiro.

Madaxweynaha ayaa dib u bilaabay ololihiisa dhameysrtirka dastuurka, maadaama ay maalmaha soo socda furmayaan kulamada baarlamaanka, horay waxaa loo ansixiyey ilaa afar cutub, hadan waxaa la qorsheynayaa in golayaasha la hor geeyo cutubyo hor leh.

Sida ay ogaatay Caaasimada Online, ilaa 5 cutub oo cusub ayaa diyaarsan, kuwaas oo muhiim u ah Xasan Sheekh inay meel maraan, guddiga ka shaqeynaya dastuurka ayaan helin wax fasax ah, waxayna diyaariyeen 5 cutub, labadii bilood ee fasaxa ay ku jireen labada Aqa lee baarlamaanka.

Madaxweynaha ayaa labada guddoomiye ee baarlamaanka ku adkeeyey inay taageeraan qorshiisa waxkabedelka iyo dhameytirka dastuurka, waxaana la sheegay inay ka ogolaadeen, sidoo kale ra’iisul wasaaraha iyo xukuumadiisa ayaa door weyn ku leh meel marinta qorshaha dastuurka ee madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa dhegaha ka fureystay qeylo dhaanta siyaasiyiinta mucaaradka ah ee diidan hanaanka wax ka bedelka dastuurka, 4 cutub ayaa la ansixiyey waxaana hartay 11 cutub, 5 kamid ah ayaa hadda diyaarsan sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaana la horgeynayaa kulamada ugu soo horeeya ee labada Aqal.