Xog: Xasan oo gobolka ka billaabay qorshe go’doon siyaasadeed gelinaya Itoobiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Safarka Madaxweynaha Soomaaliya uu maalmo kooban ku maray dhowrkii dal oo ka mid ah kuwa ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa bixiyey macne culus oo ka mug-weyn sida loo arko ama xogta laga helay, saameynta ugu weyna wuxuu ku yeeshay Itoobiya.

Marka koowaad Xasan Sheekh liiska safaradiisa ka reebay Itoobiya oo ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka, balse dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay qorshaha kala guurkana ku darsatay in ciidamada Itoobiya ay gabi ahaanba dalka ka baxayaan dhamaadka sanadkaan.

Xasan Sheekh wuxuu heshiisyo ku saabsan howlgalka cusub ee Soomaaliya ka bilaabanaya horaanta sanadka soo socda ee 2025 lasoo galay madaxweynayaasha Uganda, Burundi iyo Jabuuti, hadana wuxuu ku sugan yahay Kenya.

Heshiisyada uu Madaxweynaha Soomaaliya la soo galay dalalkaas ayaa meesha ka saaraya damaca Itoobiya oo hadda olole ka dhex wada dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, iyadoo ka dhaadhicineysa inay diidaan, si ciidamada Itoobiya ay u sii joogaan gudaha Soomaaliya.

Prof. Liibaan Ciise oo bare ka ah Jaamacadda Muqdisho, kana faalooda arrimaha Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika ayaa la hadlay VOA, isagoo sheegay ololaha iyo qorshaha Xasan Sheekh uu meesha ka saarayo riyada Itoobiya oo ku hamineysa in ciidamadeedu sii dhex-joogaan Soomaaliya.

Sidoo kale Prof. Liibaan wuxuu sheegay in Xasan Sheekh uu doonayo inuu Jabuuti ku soo daro isbaheysiga cusub ee Geeska Afrika ay ka abaabulayaan Soomaaliya, Masar iyo Eritrea, culeyska kaliya ee Jabuuti isbaheysigaas ka hor taagan waa xiisadda dagaal ee dhiigga badan ku daatay ee sanadaha badan ka dhex taagan dowladaha Jabuuti iyo Eritrea.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku howlan sidii meesha looga saari lahaa colaadda ahliga ah ee ka dhaxeysa dowladaha Jabuuti iyo Eritrea, wuxuuna dhowaan safar isbaheysi lagu sameeyey ku tegay Asmara caasimadda Eritrea.

Hoos ka dhageyso falanqeynta Prof. Liibaan Ciise