Xog: Xasan oo isugu yeeray saraakiisha amniga kadib arrin halis ah oo soo korortay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan degdeg ah isugu yeeray madaxda iyo saraakiisha hay’adaha qaabilsan sugidda ammaanka Muqdisho, kadib weerarro hoobiye loo adeegsaday shalay iyo maanta lagu qaaday Madaxtooyada Qaranka iyo Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde oo ah labada goob ee ugu muhiimsan Caasimadda.

Guddoomiye Yaabooh oo metelayey maamulka gobolka Banaadir iyo saraakiisha ugu muhiimsan hay’adaha amniga ayaa hor fariistay Madaxweynaha oo aad uga careysan weerarradii dhacay oo ilaa hadda aan cidna loo soo qaban, ayaa su’aalo adag weydiiyey saraakiisha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saraakiisha iyo masuuliyiinta kale ee amniga qaabilsan weydiiyey sababta ay uga hortegi waayeen weerarradaas, haddii ay taas ku guul darreysteena ay u ogaan waayeen goobta laga soo tuuray iyo cidda soo riday.

Ilo wareedyo kulankaas uga warramay Caasimada Online ayaa sheegay in Madaxweynuhu ku canaantay saraakiisha amniga sababta ay ku waayeen xogta magaalo ay 24-ka saac ka shaqeeyaan, galaan galka ay bulshada ku dhex leeyihiin ayuu sidoo kale su’aalo badan ka weydiiyey.

Madaxweynaha ayaa ugu gooddiyey in saraakiisha amniga lagu xisaabi doono oo xabsi, baaritaan iyo xil ka qaadis ay wajihi doonaan haddii hoobiye dambe lagu soo rido Muqdisho, isagoo u muujiyey in wax dulqaad ah uusan u haynin amni darrada Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa shalay ku dhiirraday inay gudaha Muqdisho isaga duubaan muuqaal, iyagoo hoobiye ka ridaya gudaha caasimadda, taasoo abuurtay qalqallo amni oo xoog leh, muuqaalkaas oo ragga hoobiyaha ridaya ay afka soo xirteen ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada.

Amniga Garoonka Muqdisho ayey maanta saameyn ku yeesheen hoobiyaashii lagu soo riday, waxaana la xaqiijiyey inay hawada ka laabatay diyaaradda Turkish Airline, taasoo ka degtay dalka Jabuuti, kuna laabatay Ankara. Dadka saarnaa ee maanta Muqdisho ka soo dego waayey waxaa kamid ahaa guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo maalmahaan ku maqnaa dalka Ingiriiska.

Guddoomiye Amiir oo hadda weysan diyaarad dalka keenta, kadib markii uu maanta ka laabtay hawada Muqdisho hoobiyaha soo dhacaya dartiis, ayaa wajahaya cadaadis uga imaanaya Madaxweynaha oo ku amray inuu degdeg dalka u yimaado, maadaama ay socdaan qulqulatooyin amni, sidoo kalena ay socdaan shirarkii golaha wadatashiga qaranka.