Xasan oo maamullada usoo bandhigay qorshe doorasho iyo hoggaamiye diiday – Xog

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo weli ka socda Villa Soomaaliya ayaa waxaa hareeyay doodo adag oo ku saabsan jihada saxda ah ee uu dalku aadaayo.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo jeediyay mowqifkiisa ku aadan sida loo wajahayo marxaladaha soo socdo, isagoo soo bandhigay qorshihiisa ku aadan doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

Madaxweynaha ayaa dowlad-goboleedyada usoo bandhigay qaabka loo hirgelinayo doorashooyinka qof iyo codka, isagoo miiska soo saaray in afar bilood gudahood lagu ansixiyo sharciyada doorashooyinka iyo sharciga xisbiyada.

Sidoo kale wuxuu qorshah Xasan soo bandhigay qeyb ka ah in afar bil gudahood lagu qabto diiwaan-gelinta dadweynaha, halka afarta bil ee u dambeysa lagu qabto doorashada qof iyo cod ee Golaha deegaannada.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmad Madoobe oo arrinkaas si adag uga biya diiday ayaa miiska soo saaray su’aallo adag oo la xiriira maqnaashaha maamulka Puntland iyo maqaamka Khaatumo.

Axmed Madoobe ayaa qaba in heshiis siyaasadeed uu xilligaan sharciyad siin karo dowlad-goboleedyada.

Lama oga in Axmad Madoobe uu mowqifkaas ka tanaasuli doono iyo in kale, laakiin madaxda saddexda dowlad-goboleed ee kale ayaa ku ra’yi ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba, shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo kusoo aaday waqti xasaasi ah ayaa isha lagu haya go’aannada kasoo bixi doona, ayada oo mucaaradka ka digeen in lagu meel-marsado muddo kororsi cusub oo sharci darro ah.