Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wiilkiisa Cabdifataax Xasan u magacaabay Taliyaha Ilaalada Gaarka ah ee Madaxweynaha, sida ay illo wareedyo xog-ogaal ah u xaqiijiyeen Caasimada Online.
Cabdifataax ayaa beddelay Gaashaanle Dhexe Maslax Maxamuud Maxamed, oo loo dalacsiiyey Taliyaha Guutada Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya.
Cabdifataax Xasan wuxuu ciidamada ku soo biiray intii uu Madaxweyne Xasan Sheekh xilka hayay, waxaana marar badan lagu arkay isagoo qeyb ka ah ilaaladiisa, gaar ahaan furimaha hore ee dagaalka.
Magacaabista Cabdifataax ayaa loo arka mid uu madaxweynaha ku xoojinayo amnigiisa, xilli uu dhawaan ka badbaaday weerar ay kooxda Al-Shabaab ku beegsatay. Balse waxaa su’aallo dul hoganayaan sababta uu ku muteystay xilkan, iyada oo ay jiraan saraakiil in ka badan 15 sano ka tirsanaa Ilaaada Madaxtooyada.
Gaashaanle Dhexe Maslax Maxamuud Maxamed oo loo magacaabay Taliyaha Guutada Ilaalada Madaxtooyada Qaranka, ayaa horaantii bishan si rasmi ah xilka ugala wareegay Sarreeye Guuto Xasan Aadan Dhicis, kaddib munaasabad ka dhacday Xarunta Taliska Guutada ee Madaxtooyada.
Taliyaha cusub ee Guutada 77, Maslax Maxamuud Maxamed, ayaa soo bandhigay qorsheyaasha horumarinta howlaha hortabinta u leh sugidda ammaanka Madaxtooyada iyo madaxda Qaranka.
Waxa uu sidoo kale uga mahadceliyay Taliyihii hore ee Guutada shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay muddadii uu xilka hayay.
Maslax ayaa leh waayo-aragnimo ka badan 14 sano oo uu kusoo dhex jiray Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya. Intaasi ka sokow, waxa uu muddooyinkii ugu dambeeyay hayay xilka Taliyaha Ilaalada Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda, ka hor inta aan loo dalacsiin Taliyaha Guutada Ilaalada Madaxtooyada.