Xog: Xildhibaan Jacfar oo galabta loola cararay dalka dibadiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar oo aad u xanuunsan ayaa galabta loola cararay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kadib markii ay soo wajahday xaalad caafimaad oo halis ah.

Diyaarad Ambulance ayaa Xildhibaan Jacfar looga qaaday Muqdisho, waxaana la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay uu Muqdisho ku xanuunsanaa.

Ilo wareedyo ka ag dhow xildhibaan ayaa Caasimada Online u sheegay in seddax habeen uu ku jiray qeybta gargaarka deg degga ah ee isbitaalka Digfeer.

Shalay gelinkii dambe, xalay iyo saakay ayey darsatay xaaladda xildhibaanka, waxaana galabta loo qaaday caafimaad dibadda ah, gaar ahaan magaalada Nairobi.

Dhakhaatiirta Isbitaalka Digfeer ayaa ka gaabsaday inay faahfaahiyaan xanuunka la soo dersay xildhibaanka iyo xaaladiisa dhabta ah, balse xubno ka tirsan qoyskiisa ayaa sheegay in xanuun aad u daran uusan qabin xildhibaan Jacfar.

Maxamed Abuukar Jacfar wuxuu ka mid yahay Xildhibaanada loogu jecelyahay golaha shacabka, waa sarkaal ka yimid ciidanka xoogga, sidoo kale wuxuu soo noqday guddoomiyaha degmada Deyniile oo aad looga jeclaa, kadib markii uu ku guuleystay dib u dhiska iyo amni ku soo dabaalidda degmadaas.

Caafimaad iyo inuu deg deg u soo bogsado ayaan u rajeyneynaa Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar oo hadda xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya.