Qaahir (Caasimada Online) – Ilo wareedyo xog ogaal u ah xiriirka Masar iyo Soomaaliya ayaa u sheegay wargeyska “Al-Carabi Al-Jadiid”, inay soo ifbaxayso xiisad aan la shaacin oo u dhaxaysa Qaahira iyo Muqdisho. Xiisaddan ayaa salka ku haysa hakad ku yimid fulinta heshiiskii iskaashiga militari ee labada dal ay kala saxiixdeen bishii Agoosto 2024.
Waxay ku soo beegmaysaa xilli ay ilo wareedyadu ku tilmaameen “isbeddel weyn oo lama filaan ah” oo ku yimid tubta siyaasadeed ee hoggaanka Soomaaliya. Isbeddelkan ayaa si cad uga muuqday isu soo dhawaansho aan hore loo arag oo lala yeeshay Itoobiya, iyadoo la dhayalsanayo isfahamkii istiraatiijiga ahaa ee lala lahaa Qaahira.
Sida ay xoguhu sheegayaan, Masar ayaa muujisay saluug sii kordhaya oo ku aaddan waxa ay u aragto “isbeddel lama filaan ah oo 180 digrii ah” oo ku yimid hab-dhaqanka Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa bilo ka hor uun isu soo bandhigayay inuu yahay shuraako dhow oo Qaahira kala shaqeeya wajahidda waxa ay Masar u aragto khataro goboleed, gaar ahaan marka la eego fiditaanka Itoobiya ee Geeska Afrika iyo arrinta murugsan ee biyo-xireenka Al-Nahda.
Naxdin siyaasadeed oo ka dhacday Qaahira
Ilo wareedyadu waxay xaqiijiyeen in isbeddelkan ku yimid mowqifka Soomaaliya uu ahaa “naxdin siyaasadeed” oo ku dhacday go’aan-gaareyaasha Masar. Waxaa taas sii xoojiyay calaamado muujinaya iskaashi sii kordhaya oo u dhexeeya Muqdisho iyo Addis Ababa.
Tani waxay ku kalliftay Qaahira inay dib u qiimeyso suurta-galnimada in la sii wado fulinta heshiiska militari. Heshiiskan ayaa qorshuhu ahaa inuu ku jiro dirista in ka badan kun askari oo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Masar, kuwaas oo la gayn lahaa meelo ay ka mid yihiin Aadan Yabaal iyo Cadale oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, si ay uga qaybqaataan la dagaallanka ururka Al-Shabaab.
Ilo wareedyadu waxay intaa ku dareen in Qaahira ay dareemayso wax ay ku tilmaameen “niyad jab aad u weyn” oo ka dhashay waxqabadka Madaxweynaha Soomaaliya. Waxay u arkaan inuusan muujin ballanqaad dhab ah oo ku aaddan iskaashiga amniga, uuna qaadin tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu xaqiijinayo jawi ku habboon fulinta heshiiska.
Waxay intaa raaciyeen: “Waxaa jira aragti sii xoogaysanaysa oo ka dhex jirta goobaha go’aan gaarista Masar oo ah in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud aan hadda loo arkin shuraako lagu kalsoonaan karo. Sidaas darteedna, qorshihii la xiriiray dirista ciidamada Masar ficil ahaan waa la hakiyey.”
Isla macnahaas, ilo wareedyadu waxay caddeeyeen in hakintan aan si rasmi ah weli loo shaacin, balse ay qayb ka tahay hab taxaddar leh oo ay Qaahira kula tacaalayso waxa ay u aragto isbedbeddelka siyaasadda Soomaaliya. Isbedbeddelkan ayaa halis gelinaya, sida uu mid ka mid ah ilo wareedyadu ku macneeyey, “in la lumiyo raasamaal istiraatiiji ah oo ay Masar wax badan ku bixisay sannadihii la soo dhaafay, ha ahaato dhanka taageerada militariga ama tayeynta diblomaasiyadeed iyo tan amniga ee kaadirka Soomaalida.”
Ra’iisul Wasaaraha Masar, Mustafa Madbouly, ayaa isagoo wakiil ka ah Madaxweyne Cabdel Fattah El-Sisi, ka qaybgalay furitaanka shir madaxeed aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen wadamada ciidamada ku deeqa hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).
Shirkan ayaa Jimcihii la soo dhaafay lagu qabtay magaalada Entebbe ee dalka Uganda. Maqnaanshaha Madaxweyne Sisi ee shirkan, inkastoo ay muhiimad weyn u leedahay arrinta Soomaaliya Qaahira, ayaa loo arkay calaamad siyaasadeed oo muujinaysa heerka uu hoos u dhacay xiisaha Masar ee xaaladda hadda jirta ee Soomaaliya.
Intii uu khudbaddiisa ka jeedinayay shir madaxeedka, Madbouly wuxuu ku adkeystay taageerada joogtada ah ee Masar ee midnimada qaranka Soomaaliya. Hase yeeshee, ma uusan qarin niyad jabka Qaahira ee waxa uu ku tilmaamay “mugdi ku saabsan kala hormarinta arrimaha” kaasoo la arkay sanadkii 2024, keenayna inay wiiqmaan guulihii uu gaaray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ee la dagaallanka argagixisada.
Wuxuu ku baaqay in la cusboonaysiiyo ballanqaadka caalamiga ah ee lagu taageerayo xasilloonida Soomaaliya, isagoo xoogga saaray baahida loo qabo in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) loo suurageliyo inay ilaashadaan guulahooda.
Iyadoo shir madaxeedka laga soo saaray baaqyo lagu taageerayo dowladda Soomaaliya si ay u wajahdo caqabadaha amniga iyo dhaqaalaha, haddana Qaahira, sida ay sheegeen ilo wareedyadu, waxay hadda u muuqataa mid aan sidaa ugu sii debecsanayn bixinta taageero militari oo toos ah. Tan ayaa sabab u ah iyadoo ay maqan yihiin dammaanado dhab ah oo ka imanaya dhinaca Muqdisho oo ku saabsan ixtiraamka isfahamka laba geesoodka ah.
Masar oo shaki uu ku abuurmay
Marka la eego macnaha guud, Sarreeye Guuto Maxamed Al-Hemshari, oo ah la-taliye ka tirsan Akadeemiyadda Millatariga Sare ee Nasser ee Masar, ayaa u sheegay “Al-Carabi Al-Jadiid”, in “matalaaddii caalamiga ahayd ee shirka Uganda aysan ahayn heer u baahan ka qaybgalka shakhsi ahaaneed ee Madaxweyne Sisi.”
Wuxuu caddeeyey in “ka soo qaybgalku uu ku dhowaad ku koobnaa Madaxweynaha Uganda, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika iyo Madaxa IGAD, halka waddamada kale ay ku ekaadeen inay soo diraan wakiillo ka socda madaxweyne ku xigeennada ama wasiirrada difaaca.”
Al-Hemshari wuxuu intaa ku daray in “arrimaha kale ee yareeyey muhiimadda ka qaybgalka heerka ugu sarreeya ay tahay in Uganda, iyo qaar ka mid ah waddamada gobolka, ay weli qaadanayaan mowqif aan wanaagsanayn oo ku wajahan Heshiiska Qaab-dhismeedka ee dalalka Badda Niilka. Arrintaasi waa mid ay Masar ku darto shuruudaheeda aan tooska ahayn marka ay qiimeyneyso suurtagalnimada ka qaybgalka munaasabadahan oo kale.”
Wuxuu tilmaamay in “xaaladdu ay hadda Soomaaliya aad u cakiran tahay, saamileyda caalamiga ah ee dhabta ah ee saamaynta ku leh fagaaraha Soomaaliya aysanna si xoog leh uga muuqan shirkii Uganda.”
Wuxuu ku adkeystay in “dhinacyada firfircoon ee arrimaha Soomaaliya hadda ay yihiin Turkiga, Itoobiya oo u dhaq-dhaqaaqaysa iyadoo wakiil ka ah Mareykanka iyo Israel, iyo sidoo kale qaar ka mid ah dalalka Carabta.”
Dhinaca kale, qoraaga Soomaaliyeed, Axmed Qaysoowd, ayaa u sheegay “Al-Carabi Al-Jadiid”, in “isu soo dhawaanshihii dhowaan dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo Addis Ababa uu shaki ku abuuray dowladda Masar.”
Wuxuu tilmaamay in “imaatinka ku dhowaad 300 oo askari oo Turki ah oo maalmo ka hor soo gaaray Muqdisho, si ay uga qaybqaataan sugidda amniga, ay ku soo kordhisay weji kale oo sii murjiyey xaaladda.”
Qaysoowd wuxuu intaa ku daray in “isbeddelladan oo is biirsaday ay suuragal tahay inay ku riixeen Qaahira inay dib u eegto habkeeda ku aaddan arrimaha Soomaaliya.”
Wuxuu xusuusiyey in “Masar ay bilowgii sannadkan bixisay qalab iyo hub si ay u taageerto Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo ka tarjumaysa jiritaanka iskaashi, laakiin dhanka kale waxay iftiiminaysaa baaxadda walaaca Masar ee ku aaddan isbeddellada siyaasadda Soomaaliya ee dhowaanahan, iyo heerka kalsoonida lagu qabo shuraakada lala leeyahay Madaxweynaha hadda, Xasan Sheekh Maxamuud.”
Wuxuu sii raaciyey: “Xitaa isku soo dhawaanshihii saddex geesoodka ahaa ee hore uga dhashay Masar, Soomaaliya iyo Eritrea, wuxuu bilaabay in ay saameyn ku yeelato. Eritrea waxay muujisay walaac ku aaddan tallaabooyinka Soomaaliya ee ku wajahan Itoobiya, waxayna u aragtay inay yihiin falal degdeg ah oo aan waqtigooda ku habboonayn.”