Waxaa biyo la’aan ah webiga Shabeelle, waa markii 3aad muddo 3 sano ah, in kasta oo abaar ka jirto gudaha Soomaaliya, haddana dadka Hiiraan iyo Labada shabeelle waxaa ay qabaan in sababta ugu weyn ee webigu u guray ay tahay biyo-xireennada Itoobiya.
Hiiraan: Wararka ayaa sheegaya in biyaha webiga oo guray awgeed ay dadku halis ugu jiraan cudurro, Beledweyn waxaa ay dadku cabbaan biyo Mooyo-saxo ah, markii horena ceelal ka fog webiga lama sameysan, taasi oo dhibaato hadda ku noqotay dadka deegaaanka.
Cabdullaahi Indhoy Nuur, oo ka tirsan dadka deggan Ceel-jaalle, ayaa sheegay in webiga lagu dhex lugeeyo, oo meelaha biyuhu ku jiraan ay qaraar yihiin isaga oo ku qeyliyay “Dadkii waa bakhtiyay, Ceel-gaal ayaa booyado ka soo iibsannaa, dadku ma awoodaan, oo waa qaxooti…Itoobiyaa leexsatay, oo beero ku waraabsataa la yiri, dadku waa ba’ay, lacagtiina waa la diiday, wax dowlad dhexe oo gurmad noogu yimid ma heyno.”
Shabeellada Dhexe: Biyaha oo guray awgeed, dadka deegaanku waxaa ay webiga ka dhex qodeen “Xin” oo ah god dheer, si ay biyo uga helaan, dhaansi ka dibna u cabbaan, halka dad qaarna Jowhar biyo looga qaado.
Aadan Sheekh Cabdiqaadir, guddoomiye ku-xigeenka tuulada Beexow oo ka tirsan Jowhar, isaga oo ka hadlaya dhibaatada biyo la’aanta waxaa uu sheegay, in ay ku tiirsan yihiin Bajaaj maalin walba biyo ka soo qaaddo Far-janno (ceel Jowhar ku yaallo), halkii jeerigaanna ugu yimaado 3 kun ShS. 3 jiilaal ayey sidan ahaayeen, xoolo, beero iyo dadka oo dhanna nolol kale ma heystaan.
Aadan oo hadalkiisa sii watana waxaa uu sheegay in Itoobiyaa biyo-xireen samaysatay, oo xitaa haddii webigu biyo keeno malaygii iyo faa’idii kala soo baxaan, biyaha koonfurtana “Musqulaha xitaa waa ku soo shubaan, biyuhu nacfi ma leh, oo macdanta ayaa laga la soo baxay, dhulkii lagu waraabiyana waa qalalaa, biyo dhintay waaye,” waxa uuna soo jeediyay in ay dowladdu la hadasho dadka biyo-xireenka dhigtay, “waa shaqo u taallo dowladda Soomaaliya, inay la hadasho, baan qabnaa” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.
Shabeellada Hoose: Maamo reer Afgooye ah oo codsatay in magaceeda la qariyo waxaa ay sababta biyo la’aanta Webiga Shabeelle ku sheegtay in biyaha webiga ay leexsadeen Soomaalida Itoobiya, oo kanaallo ka sameeyeen gudaha, “90% waxaa u sabab ah kanaaladaas la leexiyay ee kilinka 5aad, 10% waa abaar” ayey intaasi raacisay.
Maamadan waxaa ay intaasi ku dartay in reer Afgooye dhibaato qabaan sida in hal moos ah oo tallaalan ay 3 jiilaal ku timid. Liinta, Mooska iyo dhammaan geedihii waxaa ka qalalay caleenta, waxaana lagu waraabiyaa jiirigaamo, inta hantida heysatana ceelal.
Maamadan waxaa ay ugu dambeyntii, dowladda ugu baaqday in ay la hadlaan Itoobiya si arrinkan wax looga qabto, iyada oo ka digtay in haddii aan wax laga qaban beeraleyda inta ay shaqada ka soo tagaan buushash ka dhisan-doonaan inta u dhaxeysa Xamar iyo Afgooye.
Biyo-Xireennada Itoobiya:
Mas’uul Itoobiyaan ah oo horay Xildhibaan uga ahaa maamulkii Mengistu Haile Mariam ayaa horay uga warramay biyo-xireennada ay Itoobiya ka sameysay Webiga Shabeelle.
Mas’uulkan oo codsaday in magaciisa la qariyo ayaa sheegay in uu ka mid ahaa wafti Xildhibaano ah oo tagay 1980-kii(1971-dii Taariikhda Xabashida) dhulka Oromada oo ah dhulka uu ka soo baxo Webiga Shabeelle, Xildhibaanku waxaa uu goobjoog ka ahaa dhismaha mashruuca Meka Wakena oo ahaa mashruuc ay dowladdii loo yaqaanay Darbiga ee Mengistu Haile Mariam u sameysay in ay koronto uga dhaliso biyaha Webiga Shabeelle, korontadaas oo awooddeeda xitaa la sheegay in laga isticmaalayo waddamada dariska ah sida Soomaaliya.
Mas’uulka waxaa uu sidoo kale sheegay in markaasi loo sheegay in webiga lix bil uu xirnaanayo si biyaha loo keydiyo kadibna la sii deyn doono, mashruucaas kama wada hadlin dowladihii xilligaas ka jiray labada dhinac ee Mengistu Haile Mariam iyo Maxamed Siyaad Barre, biyo xireenkana waxaa fuliyey shirkado laga lahaa dalka Ruushka oo ay xilligaas cadawtinnimo ka dhaxeysay Soomaaliya.
Xildhibaankan Itoobiyaanka ah waxaa uu sidoo kale ka hadlay mashruuc kale oo uu fuliyay Melez Zenawi kaas oo loogu talagay in ay ka faa’iideystaan dadka ku nool meel degmada Godey u jirta ilaa 35 KM. Mashruucan waxa dadku ugu yeeraan Mashruuca biyo-xireenka ama waraabka Galbeedka Godey.
Mashruucan waa kii ugu horreeyay ee loo sameeyo Soomaalida ku nool dalka Itoobiya, waxaa mashruucan ujeeddadiisu tahay in beeraleyda Soomaalidu ka faa’iideystaan biyaha webiga, waxaana hirgelintiisa ku han weynaa Ra’iisulwasaarihii hore ee Itoobiya Melez Zenawi, isaga ayaana lacag badan ku bixiyay laakiin waxaa dhammaystirtay xukuumadda hadda jirta.
Webiga Shabeelle waxaa uu maraa deegaanno badan oo Soomaali galbeed ah sida Raafo, Godey, Qalaafo, Mustaxiil, Feerfeer iyo meelo kale. Kanaallo la jeexay iyo dhul beereed cusub oo laga sameeyay Godey ayaa keenay in qeyb ka mid ah webiga Shabeelle la leexiyo. Kani waa biyo-xireenkii labaad ee webiga Shabeelle ee laga sameeyo gudaha Itoobiya, mashruucan dambe waxaa uu socday 5-tii sano ee la soo dhaafay, waxaana la yaab leh in aysan ka hadlin xukuumadihii Soomaaliya ee xilliyadaas sida Cabdullaahi Yuusuf, Sheekh Shariif, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Farmaajo.
Hadaba, iyada oo dhibaatooyinkaasi jiraan, dadkana ka sheeganayaan biyo-xireennada Itoobiya ka waddo webiga Shabeelle ayaaney jirin ajende cad oo dowladda Soomaaliya ah, madaxweyne Farmaajo waxaa uu sanad gudahiisa booqday Itoobiya muddo 3 jeer, waxyaabaha uu mas’uuliyiinta dalkaasi kala hadlay kuma jirin biyaha halka booqashada madaxweyneyaasha dhiggiisa ah ee Suudaan iyo Masar ee Addis Ababa ajendaha ugu muhiimsan ka dhigaan biyaha Nile-ka. Ogow Nile kama nafci badno Shabeelle!