Xoghayaha Joogtada xafiiska Ra’isal Wasaaraha Mudane Maxamed Kaynaan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay hay’ada Abyrint ee ka caawiso wadamada u nuqul dhibaatooyinka xaga Maamulka bixinta mushaaraadka.
Kulankan ayaa ahaa mid xogwaraysi ah oo ay hay’ada ku soo bandhigaysay wax qabadkeeda xaga bixinta mushaaraadka iyo si ay u socdaan hawlaha dowlada iyo sara u kaca mushaaraadka, iyagoo soo bandhigay shax iyo warbixin maaliyadeedayka ay ka diyaariyeen hababka ay dowlada iyo dowladgoboleedyada ay u bixiyaan mushaaraadka Ciidamada iyo shaqaalaha Rayidka ah.
Dhanka kale Xogahaya ayaa ka warbixiyay sida ay xukuumada ahmiyad gaar ah ugu leedahay bixinta mushaaraadka iyo marxaladihii ay dowlada ka soo martay bixinta mushaaraadka iyo sida ay u suurta,galiyeen in shaqaalaha ay mushaaraadkooda ugu shubaan bangiyada.
Ugu danbayntii Xoghaye Kaynaan ayaa hay’ada Abyrint ku amaanay doorkeeda wax qabad iyo dadaalka ay ku muujiyeen sida xukuumada Soomaaliya ay ugu caawiyeen hab maaliyeedka ay ku bixiso mushaaraadka shaqaalaha Rayidka iyo Ciidamada wuxuuna u balanqaaday in wadashaqaynta ay ahaandoonto mid joogta ah.