Xogta $6 Milyan oo Saciid DENI uu ka qaatay DF xilli uu halkiisi yahay khilaafka

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lacag ka badan $6 Milyan oo dollar ka qaadatay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Sida uu shaaciyay wasiir ku-xigeenka maaliyadda Soomaaliya Cabdiqafaar Xaange lacagtan ayaa wuxuu Saciid Deni dalbaday in iyadoo caddaan ah si toos ah loogu shubo khasnada maamulka Puntland.

“Wasaaradda Maaliyadda DFS waxay Dawaldda Puntland u wareejisay (fiscal transfer) lacag dhan $6,348,826 ( lix Milyan sedex boqol afartan iyo sideed kun sideed boqol labaatan lix doolar) oo ah kab miisaaniyadeed,” ayuu wasiir Xaange ku yiri qoraal uu soo saaray.

Waxa uu intaas kusii daray wasiirka “Waxaa xusid in madaxweynaha Puntland codsaday in lacagahaas caddaanka (cash) toos loogu soo shubo.”

Lacagtan ayaa waxay dowladda u wareejisay Puntland mudaddii u dhaxeysay 2 illaa 3-dii July, sida uu sheegay wasiirka, una dhigan sidan;

1. 2-dii July 2024 waxaa la wareejinay $1,353,000.

2. 3-dii July 2024, waxaa bixiyay $3,500,000.

3. Halka lacag dhan 1,495,826 la wareejiyay wakhtiyo kala duwan.

Wadarta lacagahaas ayaa dhan $6,348,826, waxaana lagu sheegay kab miisaaniyadeed oo si toos ah loo gaarsiiyay khasnadda maamulka Puntland, kadib codsi ka yimid Saciid Cabdullaahi Deni.