Xogta aalado kale oo isgaarsiineed oo lagu qarxiyay Xizbullah + Khasaaraha

Beirut (Caasimada Online) – Aalado ay ku jiraan raadiyaasha ama fooneeyayaasha gacanta oo ay xubnaha ururka Xisbullah iskula xiriirayeen ayaa shalay ku qarxay meelo badan oo kamid ah koofurta Lubnan, iyadoo ay qaraxyadaasi sababeen dhimasho iyo dhaawac fara badan.

Tani ayaa imaneysa maalin kadib markii ay ku dhawaad 3,000 oo kamid ah dagaal-yahannada Xisbullah ay ku dhaawacmeen qaraxyo ka dhashay aaladda pagers-ka oo ah qalab is gaarsiineed oo lagu wada xariiro, kuwaas oo ay Xisbullah ka soo iibsatay dibadda.

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay in qaraxyadi Arbacada dhacay ay ku dhinteen 20 qof halka ay ku dhaawacmeen 450 kale.

Meelaha ugu badan ee ay raadiyaasha gacanta ku qarxeen ayaa ka mid ah deegaannada ku xeeran duleedka Beyruut iyo Dooxada Beqaac.

Weerarradan oo si weyn loo rumeysan yahay inay Israa’iil ku bar-tilmaameedsatay Xisbullah, balse ay ku dhinteen dad rayid ah ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo in colaadda labada dhinac u dhexeysa ay isu baddasho dagaal dhan walba ah.

Israa’iil si rasmi ah ugama hadlin weerarkaan mana sheegan mas’uuliyaddiisa, hase yeeshee wasiirka difaaca Isra’il Yoav Gallant ayaa isaga oo la hadlay ciidamada Israa’iil Arbacadii sheegay in Israa’iil ay ku jirto billowga waji cusub oo dagaal.

Ma uusan soo hadal qaadin aaladaha qarxa balse wuxuu amaanay shaqada ciidamada Israa’iil iyo hay’adaha amniga, isagoo yiri “natiijooyinka waa kuwo aad u cajiib ah.”

Xisbullah waxay weerarkan ku eedeysay Israa’iil ’il. Waxayna wacad ku martay in ay ka aargudan doonto.