Xogta Diyaarad dagaal oo ku soo dhacday duleedka Muqdisho iyo xubno la socday

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno gobolka Shabeellada Hoose waxay sheegayaan in galabta maqribkii ay dhacday, isla markaana burburtay Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ee ciidamadu adeegsadaan.

Shilkaasi wuxuu ka dhacay aagga deegaanka Carbiska oo hoos taga degmada Afgooye, waxaana ka badbaaday saddex qof oo la socday oo u dhashay dalka Uganda.

Shilkaan ayaa shacay markii laga baxay salaada Makhrib, deegaanka ay diyaaraddu ku soo dhacday waxaa xukuma ciidamada dowladda.

Diyaaradan oo nooca qumaatiga u kaca ah ayaa ka duushay magaalada Muqdisho, waxayna ku sii jeedday saldhiga Ballidoogle, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo wareedyo xog ogaal ah.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu shilku ka dhacay, iyagoo soo badbaadiyay dadkii saarnaa diyaaradda oo caafimaad qaba.

Si rasmi ah looma shaacin sababta kaliftay in diyaaradaasi ay dhacdo wax yar kadib markii ay ka duushay magaalada Muqdisho, waxaana socda baaritaano ku saabsan shilkaas, sida ay noo sheegeen xubnaha noo waramay.

Diyaaradda dhacday waxay siday sahay ay lahaayeen ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS, waxayna u socotay saldhigga Balidoogle ee gobolka Sh/Hoose oo ay degan yihiin ciidamada Danab ee xoogga dalka, kuwa Mareykanka iyo qeyb ka mid ah ciidamada ATMIS.

Sida ay noo xaqiijiyeen xubnaha noo waramay waxa ma gaarin 3-dii qof ee Uganda u dhalatay ee diyaaradda la socotay, maadaama markii xaalku ku xumaaday ay u soo dhowaatay dhulka, isla markaana ay dhacday iyadoo ku socota joog hoose.