Xogta hub culus oo saarnaa diyaaradihii MASAR ee yimid magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa nooca hub ee ay sideen diyaaradihii dowladda Masar ee daba-yaaqadii bishii Augusta yimid garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Diyaaradahan ayaa hubka ay sideen waxaa kamid ahaa gantaallada lidka taangiyada ee garabka laga rido ee dhalaaliya taangiyad ee loo yaqaan Shoulder Fired Anti-Tank Missiles, kuwaas oo tiradoodu gaarayso illaa 141, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen saraakiil milateri.

Sidoo kale waxa kamid ahaa qalabka ay sideen diyaaradaha Masar ee yimid Muqdisho, Radar-ka soo qabta diyuurada dagaalka, kaas oo ka kooban laba sad ama labo qalab oo mid kasta si gooni ah u shaqeyn karo.

Miinooyinka loogu talo-galay in ay qarxiyaan taangiyada oo aad u horumarsan ayaa iyagna kamid hubka la keenay Muqdisho. Inkasta oo aad looma hubin tiradooda, haddana waxay ilaha nala hadlay inoo xaqiijiyeen in ay kor u dhaafayaan 1500.

Hubkan oo hordhac lagu sheegay ayaa waxaa lagu wareejin doona ciidamada Soomaaliya, wuxuuna qeyb ka yahay heshiiska difaac iyo amni ee dhawaan ay gaareen labada dal ee Masar iyo Soomaaliya.

Imaatinka hubkan ayaa sidoo kale kusoo aadaya xilli ciidamada Masar la filayo inay yimaadan Soomaaliya, taas ka sakowna Qaahira waxa ay tayeyn doontaa oo hub iyo qalab ay siineysaa ciidamada Soomaaliya.

Heshiiska dhanka amniga ee Soomaaliya iyo Masar ayaa imanaya xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda Itoobiya kala dhaxeysa Soomaaliya, sidoo kalena uu Qaahir iyo Addis Ababa ka dhaxeeyo khilaafka diblumaasiyadeed ee salka ku haya webiga Niilka oo Itoobiya ka sameysatay biyo xireen weyn.