Xog: Khilaaf xooggan oo ka taagan wasaaradda qorsheynta – Maxaa la isku hayaa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa banaanka u soo baxay khilaaf xooggan oo ka taagan wasaaradda qorsheynta Soomaaliya, kaasi oo u dhaxeeya masuuliyiinta ugu sarreysa wasaaradda.

Khilaafkan ayaa si gaar ah uga dhex aloosan saddexda masuul ee kala ah wasiirka wasaaradda, wasiir ku-xigeenka iyo wasiiru-dowlaha, kuwaas oo isku haya maamulka wasaaradda, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Khilaafka iyo is qab-qabsiga u dhaxeeya masuuliyiintan oo la tilmaamay inuu mudo si hoose usoo jiitamayay ayaa banaanka yimid kadib markii uu wasiirka qorsheynta Mudane Beene-Beene uu xilkii ka qaaday agaasimaha hay’adda istaatistikadda qaranka Sharmaake Faarax.

Xil ka qaadista uu sameeyay wasiir Beene-Beene ayaa ku timid soo jeedin ay u dhamaayeen xubnaha guddiga sare ee golaha maamulka istaatikada qaranka, kuwaas oo isku raacay in xilka laga qaado.

Guddiga ayaa ku eedeeyay agaasimaha fadhiidnimo shaqo, iyagoo waisirka wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha XFS usoo jeediyay inuu aqbalo xil ka qaadista agaasimaha xafiiska istaatiskida qaranka.

Tallaabada uu qaaday wasiir Beene-Beene ee xilka uga qaaday agaasime Sharmaake ayaa waxaa si cad uga horyimid wasiir ku-xigeenka wasaarada oo sheegay in wasiirka uusan kaligiis awood u laheyn inuu sameeyo xil ka qaadis.

Wasiir ku-xigeenka Maxamed Cabduqaadir ayaa xil ka qaadista agaasimaha ku tilmaamay sharci daro, isaga oo wasiirka ku eedeeyay in uusan ka tala-gelin go’aankan oo ay aheyd inuu kala tashado masuuliyiinta kale ee wasaaradda.

Sidoo kale wuxuu faray in agaasimaha hay’adda istaastitikadda qaranka Sharmaake Faarax uu sii wato shaqadiisa, taas oo ka hor imaneysa xil ka qaadista wasiirka wasaaradda qorsheynta Soomaaliya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, khilaafkan ayaa hadda gaaray xafiiska ra’iisul wasaaraha, waxaana la filayaa inuu ra’iisul wasaare Xamza xal ka gaaro khilaafka mudadda huursanaa ee ka taagan ee ka taagan wasaaradda qorsheynta.