Maxaa ka run ah lacagta malaayiinta ee lagu sheegtay safaaradda Somalia ee Kenya?

Nairobi (Caasimada Online) – Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa akoonada lacagta ugu jiray laga xayiray kadib markii maxkamadda sare ee Kenya ay arrintaas xukuntay.

Maxkamadda ayaa akoonadda safaaradda Nairobi u xayirtay sababo la xiriira dayn dhan 25.6 milyan oo shillin oo ay ku sheegatay shirkad qandaraasle Kenyaan ah, taas oo hoggaankii hore ee safaaradda uu dafiray sax ahaanshaha lacagtaan.

Shirkadda qandaraaslaha ah ayaa dacwadda ku soo oogtay dowladda Soomaaliya sannadkii 2019, iyadoo ku eedeysay inay jebisay qandaraaskii dayactirka safaaradda ay ku leedahay Nairobi, ayada oo kadib ay dowladda ka qaatay racfaan, kadib markii ay ku dooday in go’aankaasi sharci darro yahay, maadaama dowladdu leedahay xasaanad diblomaasiyeed.

Hase ahaate, Garsooraha maxkamadda oo lagu magacaabo Mabeya ayaa diiday codsiga Soomaaliya, isagoo caddeeyay in Soomaaliya aysan adeegsan karin xasaanadda dublamaasi si ay uga fogaato mas’uuliyadda sharciga ah ee ka dhalatay hawlaheeda ganacsi.

“Xaaladdan oo kale, maxkamaddu waxay caddeyneysaa in mabda’a xasaanadda qaran uusan quseynin hawlaha ganacsi. Mabda’ ahaan, marka dowlad ama hay’adaheeda ay ku lug yeeshaan heshiisyo ganacsi, waxay lumiyaan xasaanadda caadiga ah ee loo sameeyo ficillada qaran,” ayuu yiri garsooraha.

Maxkamadda ayaa sidoo kale caddeysay in bangigu xaqiijiyay inuu hayo lacag ku filan si loo bixiyo deynta oo ku jirta koontada safaaradda. Halka uu Jabriil Cabdulle oo ah safiirka Soomaaliya ee Nairobi uu sheegay in akoonnada la xayiray ay ku jiraan lacagaha codsiyada iyo khidmadaha la xiriira dalbashada baasaboorrada iyo fiisooyinka ee safaaradda.

Dhinaca kale, Safiirkii hore ee Soomaaliya Amb. Tarsan ayaa gebi ahaanba diiday jiritaanka wax heshiis ah oo lala galay shirkadda Kingsley, isaga oo ku tilmaamay inuu ahaa isku day lagu dhacayay lacagta jaaliyadda Soomaaliyeed oo ku taburucday qeyb kamid ah lacagta lagu dhisay safaaradda.

Tarsan ayaa isku-deyga lunsasho u saariyay Amb. Fatxudiin Cali oo haatan ah safiirka Soomaaliya ee Turkiga, halka uu safiirka uu iska difaacay eedeyntaasi, isaggoo sheegay in dadaalka jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee lagu dayactirayay safaaradda uu soo billawday 2015-kii balse Tarsan uu diiday inuu sii wado howshii socotay, uuna dafiray shaqada shirkadii qabatay dayactirka safaaradda.