Xogta kulan dhex-maray Qoor-Qoor iyo Swan + Sawirro

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta Dhuusamareeb kula kulmay wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya James Swan oo maanta gaaray magaaladaasi, waxayna yeesheen wada-hadallo xasaasi ah.

Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Galmudug ayaa waxaa diiradda lagu saaray halka ay mareyso xaaladda guud ee dalka iyo mashariicyada kala duwan ee horumarineed ee ay QM ka fuliso deegaanada Galmudug.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, dastuurka iyo dagaalka Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada maamulka Galmudug.

“Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka halka ay mareyso, amniga iyo la dagaalanka cadawga argagaxisada, Dastuurka iyo doorashooyinka dalka , mashaariicda hormurinta iyo howlaha ay hay’adaha qarramada Midoobay ka wadaan deegaannada Galmudug” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Qoor Qoor ayaa maalmihii u dambeeyay waday kulamo uu la qaadanayo safiirada caalamka ee jooga gudaha Soomaaliya, wuxuuna shalay qasriga madaxtooyada ku qaabbilay safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Alper Aktas.

Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay xaaladda guud ee dalka, la dagaalanka argagaxisada iyo taageeridda kaabayaasha dhaqaalaha sida dekadaha iyo waddooyinka muhiimka ah.

Kulamadan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan Galmudug ay ku jirto marxalad kala guur ah, maadaama ay ku wajahan tahay doorasho xasaasi ah oo la filayo in loo galo loolan adag.