Xogta kulan xasaasi ah oo DENI iyo Swan ee Garoowe

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa maanta xarunta madaxtooyada maamulkaasi ku qaabilay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan oo gaaray halkaasi.

Waxaa Kulanka ka qeybgalay wasiiru dowlaha madaxtooyada Puntland Cabdifataax Maxamed Cabdinuur iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan.

Inta uu socday kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan doorka Puntland ee Dowlad dhiska Soomaaliya.

Sidoo kale waa kulanka Deni iyo Sawan lagu soo qaaday arrimaha amniga Puntland, nabadeynta, dimuqraadiyadda iyo mashaariicda horumarinta ee maamulkaasi, sida lagu sheegay war kooban oo kasoo baxay Puntland.

Ilo wareedyo madax banaan oo ku dhow kulankaasi waxa sidoo kale noo xaqiijiyeen in wada-hadalkan lagu soo qaaday arrimaha siyaasadda, gaar ahaan khilaafka u dhexeeyay maamulka Garoowe iyo dowladda dhexe, si ugu yaraan loo sameeyo dadaalloi isku soo dhaweyn ah.

QM ayaa inta badan dadaal ku bixisa xalinta khilaafaadka mararka qaar soo kala dhex-galay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedka, si loo helo dhex-dhexaadin guud oo xal u keenta is-mariwaaaga madaxda Soomaaliyeed.

Xiisadda u dhexeysa Puntland iyo dowladda federaalka ayaa gaartay meeshii ugu xumeyd, waxaana gebi ahaan go’ay xiriirkii iyo wada-shaqeyntii labada dhinac.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xiisadda daba dheeraatay ee Garoowe iyo Muqdisho oo soo jiitameysay tan iyo 2022-kii.