Xogta kulankii ganacsatada iyo DF ee xalay ka dhacay Villa Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Macaluumaad dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan gaar ah oo u dhexeeyay dowladda Soomaaliya iyo ganacsatada, kaas oo xalay ka dhacay Villa Soomaaliya, waxaana guddoomiyaya ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Kulankan oo ay goobjoog ahaayeen wasiirka maaliyadda Biixi Iimaan Cige iyo wakiilo ka socday ganacsatada gobolka Banaadir ayaa diiradda lagu saaray cabashada ka dhalatay canshuurta iibka ee ay haatan soo rogtay dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo Warbaahinta la hadlay ayaa faah-faahiyay kulanka, wuxuuna sheegay inay isfaham buuxa ku gaareen xukuumadda iyo ganacsatada.

Biixi Iimaan Cige ayaa shaaca ka qaaday in lagu heshiisyay in dowladdu wax ka qabato culaysyada ay sheeganayaan ganacsatada, ayna soo bixi doonaan qaraaro xal u ah arrintaasi.

“Waxaa lagu heshiiyay in cabashadii iyo culaysyadii ay ganacsatadu soo tabiyeen ay dowladdu lasoo wadaageen ay dowladdu si deg-deg deg ah u xaliso, waxaana dhawaan soo bixi doono qaraaro dowladeed oo dhammaan cabashooyinkaas lagu furdaaminay” ayuu yiri wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo kulanka kadib la hadlay Wariyeyaasha.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in lagu heshiiyay in canshuurka iibka la qaado, isla markaana ay sideeda ku dhaqan gasho maanta oo ah 18/08/2024.

“Waxaan dhanka kale iyadana la’isku afgartay canshuurta gadista ee dowladdu mudeysay maanta in la qaado, iyadana is afgarad laga gaaray sidii ay dowladda u muddeysay ay ku bilaabanto” ayuu mar kale yiri wasiiri Biixi Iimaan Cige.

Sidoo kale wuxu sii raaciyay “Shirka guul ayuu kusoo dhammaaday labada qaddiyadood ee meesha taallay waa la’isla fahmay in cabashada ganacsatada la xalliyo oo meel la saaro iyo canshuurta inay sideeda u bilaabato”.