Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Puntland, gaar ahaan kuwa laga soo doorto gobolka Bari, ayaa wadda dadaallo siyaasadeed oo xooggan oo ku aaddan mooshin ay doonayaan in ay horgeeyaan fadhiga Baarlamaanka ee dhici doona bisha June 2025.
Mooshinkan ayaa ku saabsan kala bax rasmi ah oo la dhex dhigo Puntland iyo SSC-Khaatumo oo dhawaan loo aqoonsaday maamul goboleed rasmi ah, iyadoo la doonayo in la beddelo qaab-dhismeedka maamul ee hadda jira.
Xildhibaannada riixaya mooshinkan ayaa u arka in ay muhiim tahay in si cad oo sharci ah loo kala saaro Puntland iyo SSC-Khaatumo, iyagoo ku dooday in waqtigu is beddelay, loona baahan yahay in la waafajiyo Dastuurka Puntland xaaladaha siyaasadeed ee haatan jira.
Waxay doonayaan in deegaannada SSC laga saaro Dastuurka Puntland, si loo muujiyo kala madax-bannaanida maamul ee labada dhinac, sida ay Caasimada Online u sheegeen xubno si dhow ula socda mooshinkan.
Xubnahaan mooshinka wadda ayaa haatan ku mashquulsan sidii ay xildhibaanno kale ugu qancin lahaayeen hindisahooda, si ay u helaan codad ku filan oo ay mooshinka ugu gudbiyaan si rasmi ah fadhiga Baarlamaanka ee furmaya 15-ka June. Waxaa socda kulamo gaar gaar ah oo arrintan looga gol leeyahay in taageero ballaaran loogu helo.
Mid ka mid ah xildhibaannada hormuudka ka ah mooshinkan ayaa sheegay in ujeeddadoodu tahay in la dhiso nidaam cusub oo salka ku haya xaqiiqada siyaasadeed ee hadda jirta.
Waxa uu xusay in loo baahan yahay dib u habeyn lagu sameeyo hannaankii saami-qaybsiga ee lagu dhisay Puntland sanadkii 1998, si loo waafajiyo isbeddellada dhabta ah ee deegaannada SSC ka muuqda.
Inkasta oo mooshinkaan uu yahay mid wali marxalad hordhac ah ku jira, haddana weli lama oga sida ay xukuumadda madaxweyne Saciid Deni uga jawaabi doonto. Xukuumaddu ayaa la sugayaa sida ay uga fal-celiso qorshah ooshinkan marka si rasmi ah usoo baxo.
Arrintan ayaa dadka ka soo horjeeda u arkaan mid ka fiirsi u baahan oo xasaasi ah, maadaama ay qabaan inay si toos ah u taabanayso midnimada iyo qaab-dhismeedka siyaasadeed ee Puntland.
Si kastaba, waxaa la filayaa in haddii mooshinka la horgeeyo fadhiga Baarlamaanka maamulka Puntland, uu sababi karo doodo adag iyo kala aragti duwanaansho xooggan oo dhex mara xildhibaannada, taas oo jawi siyaasadeed cusub gelin karta maamulka.