Xogta tirada muhaajiriinta la saadaalinayo inay tarxiilayaan Trump iyo kooxdiisa

Washington (Caasimada Online) – Haddii mar kale loo doorto madaxweyne, Donald Trump wuxuu ballan qaaday inuu samayn doono masaafurin ballaaran dadka an ogolaansho sharci ah ku joogaan Mareykanka.

Ololahiisa ayaa bixiyey jawaabo kala duwan oo ku saabsan qorshaha saarida, ninka uu ku xigeenkiisa u magaacabay JD Vance, ayaa bixiyey hal tiro intii uu ku jiray waraysi uu todobaadkan siiyey warbaainta ABC.

“Aan ku bilowno hal milyan,” ayuu yiri, taasi waa meesha Kamala Harris ay ku guuldaraysatay, kadibna halkaas ayaan ka dhaqaaqi karnaa,” ayuu yiri Trump.

Laakiin xitaa isku soo baxyada ololaha Trump iyo madalada ay ka hadlaan waxaa ka muuqdo calaamo laga akhrin karo “musaafurin tiro badan ah.”

Khubarradu waxay sheegayaan inay jiraan caqabado sharaci iyo caqabado kale oo la taaban karo oo ay wajihi kraan masaafurinta dad badan.

Tirakoobkii ugu dambeeyay ee ka soo baxay Waaxda Amniga Gudaha iyo Cilmi baarista Pew, ayaa tilmaamaya in ay jiraan ku dhawaad 11 milyan oo muhaajiriin sharci darro ah oo hadda ku nool Mareykanka, tiradaas oo ku sugan dalkaas tan iyo 2005tii.

Badankoodu waxay deggan yihiin muddo dheer ah – ku dhawaad afar-meelood meel ayaa dalka joogay in ka badan toban sano.

Soo-galootiga dalka ku jooga bilaa sharci waxay xaq u leeyihiin inay helaan nidaam cadaalad ah, oo ay ku jirto dhageysi maxkamadeed ka hor intaan la saarin.

Kororka ba’an ee masaafurinta waxay u badan tahay inay keenayso balaarin lagu sameeyo nidaamka maxkamada socdaalka, taas oo ay hareeyaan dib u dhacyo.

Inta badan dadka soogalootiga ah ee horeyba u joogay dalka waxay galaan nidaamka masaafurinta iyagoo aan la kulmin wakiilada Socdaalka iyo Dhaqangelinta Kastamka, laakiin waxay soo maraan sharci fulinta maxalliga ah.