Yasooman (Caasimada Online) – Ciidamada Qaranka iyo Geesiyaasha Difaaca Deegaanka ee Macawiisleyda Hiiraan ayaa galabta weerar ku qaaday goob ay isku uruursanayeen dhagarqabayaal ka tirsan Khawaarijta oo u dhaxeysa deegaanada Yasooman iyo Aboorey ee gobolka Hiiraan.
Howlgalka ayaa ayaa soo gaaray caawa, waxaana lagu howlgalay xog laga helay deegaanka.
Kooxda Al-Shabaab ayaa halkaas ka soo abaabuleysay weerar, balse ciidamada ayaa galabta weeraray intii ay is uruursanayeen.
Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa Caasimada Online u sheegay inay ka hor tageen dhagartii ay halkaas kasoo abaabulaysay Al-Shabaab.
Sidoo kale, saraakiisha ayaa sheegay in khasaare culus ay howlgalkaas ku gaarsiiyeen kooxda, isla markaana ay faahfaahin rasmi ah ka soo saari doonaan saacadaha soo socda.
Macawiisleyda Hiiraan oo kaashaneysa ciidamada qaranka ayaa maalmahaan waday weerarro ka hortag ah, waxayna ka hortegayaan in weerar lagu soo qaado ayaga, taasi oo khasaare badan ay kala kulmi karaan.
Dhowr howlgal oo maalmihii lasoo dhaafay ay fuliyeen ayaa guuleystay, waxayna ka badbaadeen dhagaro badan iyo khatar ku soo wajahneyd, maadaama kooxda Al-Shabaab ay hal goob isku uruursato inta aysan qaadin weerarrada.
Is-difaaca iyo weerarrada reer Hiiraan ee is dabajoogga ah ayaa imaanaya iyadoo kooxdu ay la wareegtay inta badan gobolka Shabeellaha Dhexe, isla markaana ay weli abaabuleyso weerarro kale oo ay doonayaan inay dhul hor leh ku qabsadaan.