Xubno Shabaab ah oo DIL ku xukumanaa oo xabsi ka baxsaday

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay xubno maxaabiis ah oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ka baxsadeen xabsi ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo, kaas oo ay maamusho Puntland.

Maxaabiista oo fursad heshay ayaa la sheegay inay ka fakadeen xabsiga, waxaana tiradooda lagu sheegay 12 maxbuus oo horay dil iyo xabsi daa’in loogu xukumay.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay innoo sheegay in ciidamada ammaanka oo durbo ka helay arrintan ayaa sameeyay howlgal ka daba tag ah, waxayna soo qabteen 9 kamid ah maxaabiistii Al-Shabaab ee ka baxsaday xabsiga waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale ciidamada ayaa baadi-goob ugu jiro afar kale oo la la’yahay, waxaana socda howlgallo lagu raadinayo xubnahaasi oo qatar ku ah amniga Gaalkacyo.

Shakhsiyaadka baxsaday ee loo haysto in ay ka tirsan yihiin kooxaha argagixisada ah ayaa horay wareysi laga qaaday ku sheegay in ay magaalada ku dileen dad kala duwan oo ay ku jiraan mas’uuliyiin dowladeed, sidoo kalena ay gaysteen weeraro qaraxyo ah.

Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay wax hadal ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka Puntland oo ku aadan maxaabiistaasi baxsatay.

Arrintan ayaa waxaa durbo ka dhashay walaac xoogan iyo eedeymo loo jeedinayo saraakiisha iyo hoggaanka gacanta ku haya xabsiga ay ka baxsadeen xubnahaasi.

Sidan oo kale sannado kahor ayaay xubno Shabaab ah uga baxsadee xabsi kuyaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo, maxaabiistaas qaarkood ayaa la toogtay halka kuwa kalana la qabtay, waxaana jiray kuwa kale oo baxsaday oo dib ugu laabtay Al Shabaab.