Yaa faa’iido ku qabo kala taga Fahad Yaasiin iyo Farmaajo? + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee amniga gobolka Gedo, Cali Xaashi oo aad ugu dhow kooxda Nabad iyo Nolol ayaa bixiyay xog xasaasi ah oo ku aadan kala tega siyaasadeed ee  madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

Cali Xaashi oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Somali Cable ayaa sheegay in kala tegga Farmaajo iyo Fahad uusan ku ekeen labadooda oo kaliya, isla markaana ay jiraan saaxibo aad ugu dhowaan Fahad oo la go’ay, kuwaas oo ka baxay xisbiga Nabad iyo Nolol.

“Farmaajo iyo Fahad waxay ahaayeen laba nin oo odayaal ah oo soo wada shaqeeyay dhib ha’isku qabeenee ama dheef hadda waa kala tageen, labadooda oo kaliya xittaa ma kala go’in oo Fahad waxaa la go’ay kooxdiisii isaga saaxibada la’ahaa” ayuu yiri Cali Xaashi.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Nabad iyo nolol weli waa taagan tahay waxaa kaliya oo ka baxay Fahad Yaasiin, waana sii shaqeyneysaa”.

Taliyihii hore ee amniga gobolka Gedo, Cali Xaashi oo sii hadlayay ayaa sharraxaad ka bixiyay sababta ay ku kala tegeen labada nin, wuxuuna ku macneeyay rabitaan fara badan oo ka yimid dhinacaFahad Yaasiin Xaaji Daahir, kadibna uu ku qanci waayay Farmaajo.

“Waxa lagu kala tegay waa rabitaanka saa’idka ah ee Fahad waxaa loo baahday in Refresh-ment fiican in lagu sameeyo xisbiya, si loo helo inay mar labaad tartamaan, taasina waxaa ka hortimid rabitaan oo uu leeyahay Fahad” ayuu sii raaciyay.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay cidda faa’iido ku qabta kala taggooda Farmaajo iyo Fahad, wuxuuna sheegay in ninka faa’iidayo uu yahay madaxweynihii hore ee dalka.

“Aniga waxaan aaminsanahay inuu faa’iido qabo Farmaajo, sababtoo ah waa madaxweyne Soomaaliyeed oo akhyaar ah, kuna fiican dowladnimada, waxaana faa’iido ugu jirtaa inuu ka haro Fahad” ayuu mar kale wareysiga yiri Cali Xaashi taliyihii hre ee gobolka Gedo.