Dowladaha caalamka ee hanaqaaday maamulka, maareynta, iyo jaangoynta canshuuraha waxaa u xil-saaran hay’ ad ama wakaalad gooniya oo dejisa barnaamijka canshuuraha dal waliba leeyahay, tusaale ahaan Kenya waxaa jirta Kenya Revenue Authority (KRA), Uganda waxa jirta Uganda Revenue Authority (URA), Ethiopia waxaa jirta Ethiopian Revenues and Customs Authority (ERCA) oo Federaali ah, halka Mareykanka ay jirto Internal Revenue Service (IRS).
Wakaaladda Canshuuraha waxaa unka ama dhismaheeda abla-ableeya Baarlamaanka Dalka waxayna ka hoos shaqeysaa inta badan wasaaradda maaliyadda, qorsheynta & horumarinta dhaqaalaha ee dalku u leeyahay. Wakaaladda maareynta canshuuraha iyadoo raacaysa sharciyadda ay Baarlamaanka dejiyeen ayay fulisaa dhaqan-gelinta, qiimeynta, dejinta, iyo xisaabinta noocyada kala duwan ee canshuuraha dalkaas laga qaado.
Inta badan canshuuraha dalalku ay qaadaan waa labo nooc. Canshuur toos ah “Direct Taxes” oo ay kamid yihiin; income tax, capital gains tax, Securities transaction tax & corporate tax I.W.M iyo sidoo kale canshuuraha aanan tooska ahayn “Indirect taxes” oo ay kamid yihiin sales tax, service tax, value added tax (VAT), exercise duty iyo wixii la halmaala. Dal walbana qaabkaas ayuu inta badan u wajahaa maamulka & maareynta canshuuraha laga dhaqan-geliyo gudihiisa.
Soomaaliya waxaa ka jira dowlad dhismaheeda iyo gollayaasheeda dowladda la sheego in laga soo xulay oo ay matalayaan dhammaan 18ka gobol ee Soomaaliya, balse ka qaadda canshuurta ganacsatada Hal magaallo. Waxaa ka jirta dowlad Mushaar siisa Baarlamaan la sheego iney matalayaan min lawya-cadde ilaa Dhoobley balse haddana dakhligeedu ku xiran yahay hal dekad oo ah tan Muqdisho.
Baarlamaanku haddaysan abuuri karin Wakaaladda Canshuuraha Qaranka “Somalia Revenue Authority” oo taaba-gelisa barnaamijka canshuuraha dalka ama aysan ugu yaraan mushaarkooda si siman uga raadsan karin dhammaan gobolada dalka, waxaa dowladda la gudboon saddex arimood oo aas-aasiya iney ku dhaqaaqdo:
1- In ganacsatada Muqdisho wax allaale waxay dowladda ka tabanayaan oo dhinaca canshuur qaadista ah loo xaliyo si shuruuud la’aan ah, maadaama ay iyagu kaliya bixiyaan canshuurta inta badan bixisa adeegyada dowladda federaalka Soomaaliya.
2- In xukuumadda iyo Baarlamaanka ay ka shaqeeyaan abuuritaanka Wakaaladda Canshuuraha Qaranka iyo in ugu dambeyn
3- Labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya “Gollaha Shacabka” loo qabto aqoon-kororsi “Workshops” lagu kobcinayo aqoontooda dhinaca sharci-dejinta si looga raa-rido in hawsha baarlamaanku tahay sharci dejin iyo isla xisaabtan huffan oo ay ku sameeyaan hay’adaha dowladda Ayan ka dhummuc weyn tahay mooshin yaroo caata ah oo ay ku raadinayaan shaxaad.
W/Q Abdiqafaar Shire