Yaab: Maxmud Cabas oo Yahuuda weydiistay arrin lagu dhibaateynayo shacabka Gaza

Gaza (Caasimada Online) – Madaxweynaha Falastiin Maxamud Cabas ayaa weydiistay Israel inay korontada ka goyso magaalada Gaza, xilli uu dagaal siyaasadeed xooggan ku qaaday ururka Xamas ee u dagaalamaya xoreynta Falastiin iyo sidii looga adkaan lahaa Yahuudda qabsatay dhulka barakeysan.

Wasiir ka tirsan dowladda Israel ayaa sheegay in Israel ay yareyn doonto korontada ay siiso Gaza, kadib markii Cabas uu jaray lacagtii lagu bixin lahaa korontada, taasi oo xaaladda kusii xumeeneysaa dadka degan magaalada oo markii horeba heli jiray saacado kooban oo koronto ah.

Dadka labada milyan ah ee degan magaalada Gaza ayaa iminka hela kaliya afar saac oo koronto ah 24-kii saac. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah isku day uu Cabas ku doonayo inuu xukunka uga tuuro kooxda Xamas oo maamusha Gaza, halka dowladdiisa ay ka maamusho Daanta Galbeed.

Kooxda Xamas ayaa ka digtay cawaaqib xumada ka dhalan doonta haddii Israel ay u hoggaansanto dalabka Cabas oo ay korontada ka yareyso reer Falastiin.

Kulankii golaha wasiirada Yahuuda ayaa lagu go’aamiyey in waqtiga korontada laga dhimo 45 daqiiqo, sida ay baahisay warbaahinta Israel. Dadka degan Gaza ayaa iminka waxay koronto heli doonaan kaliya 3 saac oo ka mid ah 24-ka saac.

Qorshaha Cabas ayaa ah in dadka ay ku kacaan Xamas, si dowladdiisa ay awooda maamulka Gaza ugala wareegto kooxdan oo muddo maamuleysay magaalada.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
Caasimada@live.com